Deeq A. Posted June 17, 2019 Awdheegle (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyay Al Shabaab iyo Ciidamada dowladda oo maanta ka dhacay nawaaxiga degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Ciidamada Milatariga Soomaliya ay weerar ku qaadeen deegaano ay ku sugnaayeen Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab. Weerarka kadib ayaa la sheegay in Ciidamada dowladdu ay iska cabin xoogan kala kulmeen dhanka Al Shabaab. Ma cadda iyo haatan khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba. Warar hoose oo aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda Soomaaliya ay la wareegeen gacan ku heynta Awdheegle iyo deegaano hoos yimaada degmadaasi. Ma jiro illaa iyo hadda war rasmi ah oo ka soo baxay saraakiisha Ciidamada dowladda iyo Al Shabaab oo ku aadan iska hor imaadkaasi. Dhinaca kale dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in duqeyn dhinaca cirka ah ay ka fulisay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee K/ Galbeed Soomaaaliya. War ka soo baxay taliska Mareykanka ee Africa ayaa lagu sheegay in duqeytani oo 5 tii bishan ka dhacay deegaanka Tooratoorow lagu dilay xubin ka tirsan Al Shabaab. Sidoo kale warkan ayaa lagu sheegay u jeedka duqeynta uu ahaa mid looga hortagayay weerarada Al Shabaab ay ka soo abaabulaan halkaasi. Ugu dambeyn Mareykanka ayaa shaaciyay in uu sii wadi doono duqeymaha iyo weerarada uu ka fuliyo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites