Deeq A. Posted June 17, 2019 Qiyamka bulsho leedahay ayaa waxa ka dhasha hab-dhaqanka siyaasadeed ee bulshadaasi ku dhaqmayso. Hab-dhaqanka siyaasadeed ee bulsho kastana waxay leedahay xeerar iyo hagayaal gundhig ay u yihiin qiyamka guud ee bulshadaasi. Waxmataraha kurisga madaxtinimada ku fariista ama derejada uu bulsho hoggaaminayo gaara, waxaa is dabooli waaya markasta, shaqada siyaasadeed ee laga rabo iyo falcelintiisa oo noqota falal aan ku habboonayn shaqada uu hayo. Maadaama madaxtinnimadu ama hoggaaminta bulsho ay u baahan tahay xirfad gaar ah, awood hoggaamineed iyo tilmaamo ku habboon kursiga uu kufariisanayo qofkaasi. Waxmatare-nimada siyaasadeedna waxay kamid tahay cudurrada naafeeya shaqada siyaasadda, qofka waxmataraha ahna labo ayuu mid yahay, doqon ama mid is doqonaysiinaya. “Qofka caadiga ah (aan xil gaar ah hayn), dadka wuxuu ula dhaqmaa isaga oo isu muujinaya inuu yahay; qof Caqli-badan, Xikmad-badan, Waddani ah, Geesi ah, Aqoonyahan ah, Halyey ah, Naftiis-hure ah Iwm. Balse marka uu qofkaasi ku fariisto kursi bulshado loogu adeegayo (Kursiga madaxtinnimada), waxaa soo baxda waxmatare-nimadiisa (Doqonnimadiisa).” Maadaam madaxtinnimadu leedahay soo jiidasho iyo bidhaan wanaagsan, bulsho kastaana waxay leedahay waxmatare doonaya in uu kursigaas madaxtinnimada ku fariisto. Waxmatare-nimada Siyaasadeed, loolama jeedo doqonnimo iyo nuqsaan caqli-ahaan uga muuqata qofkaas kursiga madaxtinnimada ku fadhiya, balse waa qofka oo kursi bulsho loogu shaqaynayo ku fariista isaga oo aan awooddeedii xirfadeed lahayn. Haddab, sida sooyaalku ka markhaati kacayo, waxaa jira habab fudud oo waxmataruhu xukunka ku gaaro. Waxaana kamid ah:- DHAXALTOOYO: Waxayna u qaybsantaa Labo qaybood oo kala ah: B) Dhaxaltooyo Toos ah: arrintaani waxay ka dhacdaa inta badan maamullada nidaamkooda siyaasadeed uu ku dhisan yahay ‘‘Nidaamka Boqortooyada’’. Nidaamkaani wuxuu fursad siinayaa qof aan aqoon, waayo-aragnimo iyo xirfad kale ee hoggaamineed aan lahayn in uu aayaha ummad dhan ka taliyo, maadaama uu yahay dhaxal-sugaha sharciga ah ee nidaamkaas ama dowladdaas. Habkaan ayaa ah hab fudud oo qof walba uu xukunka ku gaari karo. T) Dhaxaltooyo Maldahan: habkaan waxaa kaloo loo yaqaan ‘Dhaxaltooyo aan Toos ahayn’; waxay inta badan ka dhacdaa dalalka Nidaamka Jamhuuriga ah ku dhaqma. Tusaale; markii uu dhinto Madaxweyne, dadkii ku hareereysnaa waxay soo jeedinayaan ama ka shaqaynayaan, iyagoo dantooda gaar ah ka dhex arkay in wiilka Madaxweynaha geeriyooday ama cid ay isku hayb yihiin xukunka ay la wareegaan. Iyagoo marin habaabinaya doonitaanka bulshada kana been abuuranaya doorashada. 2.Kuxigeen-nimo: Siyaabaha fudud ee qof kasta oo waxmatare ah ku gaari karo xukunka waxaa kamid ah; qof Kuxigeen u ah Xaakim ama Madaxweyne gaaray yoolkii bulshadiisu higsanaysay, guulo badanna gaaray, bulshadana kalsooni buuxda ka helay. Kaas oo har iyo habeenba u soo jeeday gudashada masuuliyadda saaaran, uuna culaysinayay xilka uu sido. Qofkaas Kuxigeenka ah, wuxuu fursaddaas uu xukunka ku gaarayo ku helikaraa oo kaliya qofka uu Kuxigeenka u yahay oo meesha ka baxa (dhinta, ladilo, iscasila Iwm), isagoo halkaas magac iyo maamuus kaga raadsanaya bulshada qofkaas meesha ka baxay, maadaama uu ahaa Xaakim ama Madaxweyne waxqab leh lana jecelyahay. 3. Kacdoon aan dhammays-noqon: Habkaani wuxuu kamid yahay siyaabaha ugu layaabka badan ee waxmataruhu xukunka kugaaro. Kacdoonada aan dhammayska noqon waxaa loola jeedaa; kacdoon aan lagaarin yoolkii laga lahaa isla markaasna natiijadii laga doonayey aaney kasoo bixin. Sida sooyaalka aad ka arki kartaan, kacdoonadaas kadib dadku way niyad-jabaan, wey isdhiibaan, qalalaase, baqdin iyo cabsi ayaana wehel u noqota. Taasi waxay keentaa in bulshadaasi ay aqbalaan qofkasta oo nabad-gelyadooda damaanad qaadikaraya, iyaga oo aan eegin qofkaas sooyaalkiisa, afkaartiisa iyo hab-dhaqankiisa. Halkaas na waxaa fursad kahela qof aan wax waayo-aragnimo, aqoon iyo mawhibo kale oo maamul lahayn, balse oo kaliya xirfad ciidannimo sheegta (Askari), bulshaduna ay ku tuhmayso in xaaladdaan cakiran uu nabad kusoo dabaalikaro. Balse nasiib darro, bulshadaasi muddo badan kadib waxay ogaadaan in ammaankii ay ku tuhmayeen qofkaas ay mala-awaal iyo waxba kama-jiraan tahay. 4: Geeri Degdeg ah: Habkaan ayaa ah kan ugu danbeeya, arrintaan ayaa ka dhigan, in Madaxweyne ama Xaakim ay ku timaaddo geeri degdeg ah. Kolkaasna iyada oo aan laysku waafaqin ciddii beddeli lahayd, daaha-gadaashiisa uu kasoo boxo qof aan lafilayn, oo markii horena udhowaa Madaxweynaha geeriyooday balse dadku aysan ka filayn khiyaano Iwm, taas cagsigeedana doqon loo arkayay. Balse qofkaasi wuxuu u gaatamayey oo sugayey kaliya fursad uu xukunka ku gaaro, inta badan na qofkaasi wey adagtahay in uu xukunka ka dego. W/Q: Aadam Salaad – Badiic Istanbul – Turkey The post Waxmataruhu sidee ku gaaraa kursiga madaxtinimada? appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites