Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda Caafimaadka “WHO ayaan kala kaashanay hubinta in Ebola uusan u soo gudbin Somalia”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( SMN ) Wasiirka caafimaadka Soomaliya Marwo Fowsiya Abiikar Nuur oo la hadlaysay Warbaahinta ayaa sheegtay in aysan ka jirin xilligaan walaac ay ka qabaan ka wasaarad ahaan in Cudurka Ebola uu a dilaaco gudaha Soomaaliya.

Waxa ay sheegtay in hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO iyo kuwa kale caalami ah ay ka gacan siiyeen ogaanshaha in xilligan uusan saameyn karin Cudurkaasi Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in la sameeyay baaris caalami ah oo ku aadan arrintaasi.

Dhinaca kale Fowsiya Abiikar Nuur  wasiirka caafimaadka Xukuumadda Soomaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay ku kalsooni ku qabto wadamada dariska ah, islamarkaana ay dhowri doonaan xeerarka caafimaadka adduunka.

Waxaana ay tilmaamtay in aysan suura gal aheyn in dad qaba xanuunka Ebola ay ka soo gudbaan xuduudaha dalka.,

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli muddooyinkii dambe uu taagnaa walaac laga qabo Cudurka Ebolo oo kiis ka mid ah laga helay dalka Ugand oo xiriir bulsho la leh Soomaaliya.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this