Sign in to follow this  
Deeq A.

Galmudug oo qabatay shaqsiyaad dil ka geystay maamulkaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusomareeb (SMN) – Ciidamada ammaanka ee maamulka Galmudug ayaa xalay gacanta ku dhigay kooxo Maleeshiyaad ah oo dhawaan dad rayid ahaa ku dilay duleedka magaalada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in saacado badan kadib la soo qabtay Raggaasi.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Cadaaladda la hor geyn doono, si looga qaado talaabo waafaqsan sharciga.

Dilka loo heysto raggan ayaa ka dhacay agagaarka Dhuusomareeb, waxaana loo geystay illaa 4 Qof oo rayid ahaa, kuwaas oo la sheegay in loo dilay Aano Qabiil

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this