Deeq A. Posted June 17, 2019 Dhuusomareeb (SMN) – Ciidamada ammaanka ee maamulka Galmudug ayaa xalay gacanta ku dhigay kooxo Maleeshiyaad ah oo dhawaan dad rayid ahaa ku dilay duleedka magaalada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in saacado badan kadib la soo qabtay Raggaasi. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Cadaaladda la hor geyn doono, si looga qaado talaabo waafaqsan sharciga. Dilka loo heysto raggan ayaa ka dhacay agagaarka Dhuusomareeb, waxaana loo geystay illaa 4 Qof oo rayid ahaa, kuwaas oo la sheegay in loo dilay Aano Qabiil View the full article Share this post Link to post Share on other sites