Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxamed Binu Salmaan Oo Fasaxaya In Khamriga Laga Isticmaali Karo Sacuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Riyadh)-Mas’uuliyiinta Sacuudi Carabiya ayaa ajaaniibta doonaya inay dalkaas maal-gashtaan u sheegay in xanibaadda saaran khamrada la qaadi doono sannadka soo socda, sida ay werisay warbaahinta Bloomberg ee Mareykanka.

MAXAMED-BUNU-SALMAAN.png

Bloomberg ayaa maal-qabeenno ajnabi ah oo si dhow ula shaqeeya dowladda Sacuudiga kasoo xigatay inay maqleen in dowladda ay ka shaqeeneyso sidii loo bixin lahaa cashuur ogolaanaya in dalka lasoo geliyo khamriga.

Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in xarunta ganacsiga King Abdallah, oo ah xaafad gaar ah oo ku taalla waqooyiga magaalada Riyadh, loo ogolaan doono in khamriga lagu isticmaalo.

Mas’uuliyiinta Sacuudiga wax jawaab ah kama ay bixin arrintan, hase yeeshee Bloomberg ayaa sheegtay in xaqiiqda ah in arrintan iminka aad loo hadal hayo ay tahay wax yaab leh.

Waxaa la filayaa in cashuur soo dhoofinta khamriga la siiyo makhaayado iyo hoteello ku yaalla qaar ka mid ah magaalooyinka waa weyn iyo goobo loo dalxiis tago oo Sacuudiga ay ka dhisayaan xeebaha.

Inkasta oo sharciyan uu khamriga mamnuuc ka yahay Sacuudiga, haddana waxaa lagu iibiyaa suuqa madow. Waxaa sidoo kale jira khamri macmiil ah oo guryaha lagu sameeyo oo dadka qaar ay isticmaalaan.

Tan iyo sanadii 2017, wxaaa Sacuudiga ka socday is-beddelo waa weyn oo uu hormuud ka yahay dhaxal-sugaha dalkaas Maxamed Bin Salmaan, oo ka tagaya dhaqamo badan oo islaami ah, si uu usoo jiito maal-gashtayaasha aan muslimka ahayn, isaga oo raba inuu sare u qaado dhaqaalaha dalka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this