Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo takoortay ruux looga shakiyay inuu qabo xanuunka Ebola

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya deegaan ka tirsan dalka Kenya ayaa sheegaya in ruux looga shakiyay xanuunka Ebola lagu takooray deegaanka Kericho, waxaana la dhigay xarun caafimaad ku taala dalka Kenya.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa baahisay in ruuxaasi lagu arkay deegaan ka tirsan gobolka Kericho, waxaana la sheegay in ruuxaasi oo haweeney ah lagu arkay qaar kamid ah calaamadaha lagu garko xanuunkaasi.

Qofkan oo haweenay ah ayaa ka timid magaalada xuduudda ah ee Malaba halkaas oo ay ku kulmeen ninkeeda taas oo dhalisay welwelka ugu badan ee ay ka qabaan laamaha Caafimaadka ee dalka Kenya.

Deegaanka Malabo ayaa ku yaala dhanka xuduuda Uganda iyo Kenya, waxaana ninkeeda oo ku nool dalka Uganda la sheegay in isna looga shakisan yahay inuu qabo xanuunka Ebola oo dhibaato badan u geystay dadka ku nool Galbeedka Africa.

Dhakhaatiirta isbitaalka guud ee magaalada Kericho ayaa takooray qofkan iyadoo wali baaritaan lagu wado, Illaa hadda calaamadaha cudurka oo qandho daran kamid tahay ayaa lagu arkay qofkaan.

Dalka Uganda ayaa dhawaan lagu arkay cudurka Ebola dadna ku dilay, waxaana jirta cabsi xoogan oo laga qabo in cudurkan uu kusii faafo deegaano hor leh uuna geesto dhibaatooyin xoogan.

Wasiirka caafimaadka xukuumadda ayaa dhawaan shaacisay inaysan qabin baqdin weyn oo xanuunkaasi ku aadan, waxaana heegan la geliyay hay’ado caafimaad oo arimahaasi ka hortagaya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdsisho
Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this