Sign in to follow this  
Deeq A.

Warar dheeraad ah oo laga helayo Qaraxyo iyo ka kala dhacay Afgooye iyo Qansaxdheere

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo ( SMN )Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxyo Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Koonfur Galbeed saacadihii la soo dhaafay lagula eegtay degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay.

Qaraxyada oo labo ahaa, islamarkaana ka dhashay Miinada nuuca dhulka lagu Aaso ayaa lala bartilmaameedsaday Ciidamadaasi, xilli ay marayeen duleedka degmadaasi.

Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda qaraxyadan, waxa ay ay baahiyeen in ay ku dileedn illaa 4 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada K/ Galbeed Soomaaliya.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay  dhanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo ku aadan qaraxyadaasi.

Dhinaca kale Al Shabaab ayaa sheegtay dil qorsheysan oo Dagaalyahannadooda ay ka fuliyeen gudaha magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dilkan ayaa waxa ay timaameen in ay u geysteen mid ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada  baarlamaanka federaalka Soomaaliya ku soo xulay magaalada Baydhabo ee xarunta G/ Baay, kaas oo magaciisa ay ku soo gaabiyeen Maxamed.

Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro iyo dilal ka fuliya gobollada Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool ee Koonfurta Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this