Deeq A. Posted June 16, 2019 Kismaayo (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa ku warramaya in saacadihii la soo dhaafay Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland ay xabsiga u taxaabeen mid ka mid ah dhalinyarada ku dhaqan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolkaasi. Wiilkan la xiray ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Aadan Tobanle, kaas oo la sheegay in uu ka mid yahay xubnaha u ololeynaya in isbedal uu ka dhaco Jubbaland. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in Ciidanka Booliska Jubbaland ay xalay Saqdii dhexe Aadan u soo dhaceen, islamarkaana ay kala baxeen Gurigiisa. Wararka qaar ayaa sheegaya in Wiilkan shalay loo doortay hoggaanka dhalinyarada isbedal doonka ee magaalo xeebeedka Kismaayo. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa isa soo tarayay cadaadisyo xoogan oo ay Jubbaland ku heysay siyaasiyiiinta iyo dadka ka soo horjeeda ee ku dhaqan deegaaneeda, xilli la filayo in dhawaan doorasho ay ka dhacdo gudaha maamulkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites