Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga cambaareeyay qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Dowladda Turkiga ayaa si kulul u cambaareysay qaraxyadii shalay ka dhacay magaaladda Muqdisho kuwaasoo ay ku dhinteen in ka badan 10 qof, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 20 kale oo shacab u badan.

“Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarka arxandarada ahaa, waxaana ALLE uga baryeynaa naxariis kuwii ku naf waayay, sidoo kalena aan caafimaad deg deg ah u rajeynaynaa dadkii ku dhaawacmen,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga.

Turkiga ayaa sheegay inay marwalba la garab taagan yahay dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda taageero dhinac walba leh, si wax looga qabto amaanka iyo qaraxyada ka dhacaya magaaladda Muqdisho.

Labadii qarax ee shalay gelinkii hore ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa sheegtay mas’uuliyadooda Al-Shabaab, oo war ay soo saartey ku sheegtay inay la bartilmaameedsatay baraha koontarool ee ku kala yaalla Isgoysyada Sayidka iyo Lambar Afar.

Weerarka ayaa dhacay xilli amaanka Muqdisho aad loo adkeeyay mudooyinkii dambe, oo ciidamo dheeraad ay ay dowladdu dhigtay wadooyinka kala duwan, oo ay ku baaraan gaadiidka sidoo kalena ay socdaan howlgallo joogto ah oo amniga lagu xaqiijinayo.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this