Deeq A. Posted June 16, 2019 Muqdisho (Caasimada Online) –Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Bashiir Cabdi Maxamed (Americo ) oo la hadlay Warbaahinta ayaa digniin u culus u diray shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho. Taliye Americo ayaa shacabka uga digay in guryahooda ay ka kireeyaan xubnaha ka midka ah Al-Shabaab ee weerarada iyo qaraxyada ka geysta gobolka Banaadir. Sidoo kale taliyaha ayaa shaaca ka qaaday in aysan u dulqaadan doonin haatan wixi ka dambeeya in gabaad la siiyo Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay. Waxaa kale uu xusay in dowladda federaalka Soomaaliya ay dajisay qorshe cusub oo lagu wajahayo dagaalka ka dhanka ah Kooxda Al-Shabaab. Taliye Ameeriko ayaa sidaa daraadeed shacabka ka dalbaday in ay garab istaagaan Ciidamada ammaanka, kuna soo wargaliyaan khatar kasta oo ay dareemaan. Hadalkan aya ku soo aadaya, xilli shalay magaalada Muqdisho ay ka dhaceen qaraxyo is xig xigay oo waxyeelo ay ka soo gaartay Askar iyo dad shacab ah. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites