Deeq A. Posted June 16, 2019 Afgooye (SMN) – Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha hoose,Ibraahim Aaden Cali (Najax) iyo mas’uuliyiin uu hoggaaminayo oo booqasho ku tagay deegaanka Shalanbood ayaa ka warbixiyay dadaallo nabadeed oo ay ka wadaan halkaasi. Guddoomiye Najax ayaa sheegay in ay bilaabeen dadaallo dib u heshiisiin ah oo lagu dhammeystirayo colaadihii sokeeye ee ragaadiyay gobolka Sh/ Hoose. Waxa uu tilmaamay in ay la kulmeen Culimaa’udiinka, Oday dhaqameedyada, Haweenka, Dhallinyarada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan, si loo gaaro wada noolaasho dhex marta beelaha wada daga gobolkaasi. “Amni iyo maamulba waxaan ku ballannay in aan ka shaqeyno midnimada Shacabka gobolka Shabeelaha Hoose, oo aan dambiilayaashana loo oggolaanin in ay helaan gabbaad Qabiil” ayuu yiri guddoomiye Najax. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray inay dib isugu furi doonaan waddooyinka ay go’doomiyeen Al Shabaab. Shabeelaha Hoose oo hoostaga K/Galbeed ayaa waxaa la la dagay dagaallo sokeeye oo weli colaadeedu ay ka taagan deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites