Sign in to follow this  
Deeq A.

Faysal Qaran oo soo bandhigay qodobka keliya ee lagu qiimayn doono Baarlamanka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha dalladda ururrada bulshada rayidka ah ay ku mideysan yihiin ee Puntland  (PUNSAA), Faysal Axmed Warsame oo shalay hadal u jeediyay golaha wakiilada Puntland, ayaa mudanayaasha ku boorriyay in ay dib u-eegis ku sameeyaan shuruucda iyo xeerarka ay ansixiyeen golayaashii ka horreeyay.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in golayaashii hore ee Puntland ay meel-mariyeen, shuruuc aad u fara badan oo ay maal-gelisay Beesha Caalamka, balse aan waxba ka dhaqan-gelin, isagoo u soo jeediyay golaha wakiilada haatan jooga in ay dib ugu noqdaan  arrimaha keenay in shuruucdaasi shaqeyn waydo.

Faysal Qaran ayaa tilmaamay in golaha wakiilada Puntland lagu qiimayn doono, sida ay uga shaqeysiiyaan shuruucda iyo xeerka u degsan Puntland oo uu sheegay in badankooda aan lagu dhaqmin oo khaanado lagu riday.

Dhinaca kale, xukuumadda Puntland ayuu ku waaniyay, in ay la’tashiyo la samayso heerarka kala duwan ee bulshada Puntland, si ay u hesho talada toosan ee wax dhisaysa,islamarkaana ay u wada-socdaan dowladda iyo shacabka.

PUNTLAND POST

The post Faysal Qaran oo soo bandhigay qodobka keliya ee lagu qiimayn doono Baarlamanka Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this