Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo abaalmarin u ballanqaaday ciidamadii ka hortagtay qaraxii Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa  ballanqaad u sameeyay askarti ka hortagtay  qaraxii ka dhacay Barta Koontarool ee laga galo Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo xalay booqday goobihii ay ka dhaceen qaraxyada ayaa sheegay in askarta ku guuleystay in ay qabtaan ninkii la socday gaarigii shalay ku qarxay meel ku dhow isgoyska Lambar 4 uu abaalgud siinayo.

Ra’isalwasaaraha oo booqday labadii goob ee shalay  qaraxyadu ka dhaceen ayaa la kulmay taliyayaasha baraha koontaroollada ee Magaalada Muqdisho waxaana uu wax ka weydiiyay qaabka ay u sugaan ammaanka.

Weerarkii shalay ayaa ugu yaraan waxaa ku dhintay 10 qof waxaana ku dhaawacmay dad ka badan 25 qof oo kale kuwaas oo isugu jiray dad rayid ah iyo Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in mid ka mid ah raggii weerarradaas qeybta ka ahaa gacanta lagu dhigay islamarkaana isaga oo dhaawac ah la qabtay.

Ugu dambeyn Shacbaka Soomaaliyeed ayuu Ra’iisul Wasaare Kheyre ugu baaqay inay la Shaqeeyaan Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ee had iyo jeer u taagan sugida amniga dalka iyo Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this