Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxii Maaliyadda Degmada Warta Nabadda oo lagu helay inuu ka dambeeyey qaraxii Xarunta Degmada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – 14 Bishii May ayey aheyd markii qarax ismiidaamin ah lagu qaaday Xarunta Degmada Warta Nabadda ee Magaalada Muqdisho xilligaas oo raashin loogu qeybinayey dad masaakiin ah, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jiray Dhimasho, Dhaawac iyo burbur ku yimid Xarunta.

Tan iyo waqtigaas waxaa socday baaritaan ku aadan cidda ka dambeysay qaraxaas ee Al-Shabaab u fududeysay inay fuliso.

Waxaa Shaqaalaha iyo madaxda Degmada Warta Nabadda ka jiray guux ku aadan inuu Qaraxaas fududeeyey qof ka tirsan Degmada sida uu Shabakadda Caasimadda Online u sheegay Mas’uul ka tirsan Degmada.

Hey’adda Nabadsugidda ayaa bilowday baaritaan ku aadan qaraxaas, waxaana Qalabka GPRS lagu xiray qaar ka tirsan madaxda iyo Shaqaalaha Degmada oo uu soo galay tuhun aad u weyn.

Maalmo kadib waxaa lagu helay inuu qaraxaas ka dambeeyey madaxa Maaliyadda ee Degmada Warta Nabadda Maxamed Dheere oo taleefoonkiisa laga dhageystay isagoo oo Al-Shabaab la shaqeenayo.

Ciidamada Alpha Group ayaa weerar qorsheysan ku qaaday gurigiisa, waxaana lasoo xiray isaga, Xaaskiisa iyo dad kale oo guriga kula noolaa.

Baaritaan dheer kadib iyo caddeymo la hor dhigay Maxamed Dheere ayaa qirtay inuu isaga ka dambeeyey qaraxaas isla markaasna uu Al-Shabaab u fududeeyey.

Maxamed Dheere ayaa la ogaaday inuu Koontaroolada Ciidamada Dowladda ee Degmada Wardhiigley kasoo gudbiyey gaarigaan isla markaasna uu lacag siiyey askari ka tirsan Dowladda si uu usoo fasaxo Baabuurka qaraxa siday.

Maxamed Dheere ayaa gaarigaan kasoo galay  Dhanka Tookiyo, wuxuuna ahaa ninkii hagayey, Sidoo kale cadaadis badan oo la saaray kadib ayuu sheegay inuu jiro gaari kale oo qarax lagu diyaariyey  oo yaalo gurigiisa.

Waxaa mar kale gurigiisa gaaray qaar ka tirsan Ciidamada Al-pha Group oo ku guuleystay inay qaraxa ka  furaan gaariga yaalay Guriga Maxamed Dheere oo nuuciisa ahaa Allion inkastoo aan aan weli la ogaan halka la doonayey in lagu weeraro.

Gurigiisa ayaa waxaa laga soo helay hub farabadan iyo waxyaabaha qarxa, waxayna madaxda Degmada Warta Nabadda ku noqotay mid lala yaabo maadaama aan marnaba ninkaan looga shakin inuu wada shaqeyn la leeyahay Al-Shabaab.

Dhanka kale wuxuu qirtay inuu ka dambeeyey dilkii degmada loogu geystay Guddoomiyihii hore ee Dhallinyarada Degmada Warta Nabadda oo la dilay hal sano ka hor.

Ninkaan  ahaa madaxda Maaliyadda ee Degmada Warta Nabadda ayaa daganaa meel aan sidaas uga fogeyn Xarunta Degmada.

Maxamed Dheere ayaa hadda ku jiro gacanta Nabadsugidda, inkastoo aan weli la caddeyn in la sii daayey dadkii lala soo xiray iyo in kale.

Wuxuu beel ahaan kasoo jeedaa Fiqishini oo ah beel kamid ah beelaha dega gobolada waqooyi siiba deegaanka SSC Waxayna ku abtirsadaan Cayr/ Habargidir/ Mogadishu Clan,  Fiqishini waa naaneys magaca saxda ah waa Fiqi cumar Ayaanle Cayr.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this