Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqalka sare oo ka doodaya xeer hoosaadka golahaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Senatorada golaha aqalka sare ee BFS ayaa maanta lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan xaruntooda magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa qorshuhu yahay in Senatoradu ay kaga doodaan dib u eegis lagu sameynayo xeer hoosaadka golahaasi.

Xeerkan ayaa waxaa golaha horkeenay, si ay ugu biiriyaan aragtidooda, una ansixiyaan guddiga xeer hoosaadka ee aqalka sare.

Sidoo kale xeerkan ayaa goluhu waxa ay soo marsiiyeen akhrintii labaad, iyadoona saddexaad la marsiinayo maanta, si loo meel mariyo.

Golaha aqalka sare ayaa ku howlan dadajinta hindise sharciyeedyo dhowr ah oo horyaalla, kuwaas oo muhiim u ah dadka iyo dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this