Deeq A. Posted June 16, 2019 Muqdisho (SMN) – Senatorada golaha aqalka sare ee BFS ayaa maanta lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan xaruntooda magaalada Muqdisho. Kulankan ayaa qorshuhu yahay in Senatoradu ay kaga doodaan dib u eegis lagu sameynayo xeer hoosaadka golahaasi. Xeerkan ayaa waxaa golaha horkeenay, si ay ugu biiriyaan aragtidooda, una ansixiyaan guddiga xeer hoosaadka ee aqalka sare. Sidoo kale xeerkan ayaa goluhu waxa ay soo marsiiyeen akhrintii labaad, iyadoona saddexaad la marsiinayo maanta, si loo meel mariyo. Golaha aqalka sare ayaa ku howlan dadajinta hindise sharciyeedyo dhowr ah oo horyaalla, kuwaas oo muhiim u ah dadka iyo dalka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites