Sign in to follow this  
Deeq A.

DFS iyo QM oo ka wada hadlay amniga dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabisha arrimaha Afrika, Bintou Keita.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Afrika ayaa ka wada hadlay arrimaha nabad gelyada, howlaha nabad ilaalinta iyo qoshaha dowladdu isugu diyaarinayso la wareegidda mas’uuliyadda amniga.

Bintou Keita oo ka tirsan waaxda siyaasadda iyo dhismaha babad-gelyada ayaa Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ka caawisa howl-gallada nabad ilaalinta.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this