Sign in to follow this  
Deeq A.

Howlgallo ballaaran oo laga sameeyay M/ Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (SMN) – Ciidamada ammaanka ee Galmudug ayaa xalay howlgallo ka sameeyay koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa la sheegay in lagu xaqiijinayay amniga magaaladaasi.

Saraakiil ka tirsan kuwa Galmudug oo aan la xariirnay ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin ka bixiyaan baaritaanadaasi.

Balse howlgalladan ayaa ku soo aadaya, xilli Habeen hor Gaalkacyo lagu dilay Sagaal qof oo dad rayid ahaa, waxaana dhacdadaasi ay si weyn u taabatay bulshada Soomaaliyeed.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this