Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka Oo U Ogolaaday Ciraaq In Gaas Ay Ka Soo Iibsato Iiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Baqdaad)-Xukuumada Washington ayaa muddo 90 maalmood ah ku kordhisay Gas-ka dowlada Ciraaq uga yimaada wadanka Iiraan.

1560631929e3f02.jpg

Ciraaq ayaa sii wadi doonta in Gas-ka ah ka keensato wadanka ay daris wadaaga yihiin sida ay xaqiijiyeen laba sargaal oo ka tirsan xukuumada Baqdaad.

Mas’uuliyiintaan oo diiday in magacooda la xuso ayaa sheegay sabtida shalay in arintaan ay timid kadib markii wadahadal dhexmaray Mareykanka iyo Citaaq.

Dhanka kale qeybo ka mid dalkaan carbeed ayaa ku sii tiirsanaan doona adeega korontada ee dalka Iiraan.

Ciraaq ayaa Gas-ka dabiiciga ah wuxuu uga yimaadaa Iiraan iyadoo laba dal uu u dhaxeeyo xidhiidh ganacsi iyo iskaashi dhanka Amniga.

Sargaal kale ayaa laga soo xigtay in heshiiskaan uu yimid kadib markii ay khadka taleefanka wadahadal uu ku dhexmaray Ra’isul wasaaraha Ciraaq Aadil Abdi Mahdi iyo xoghayaha arimaha dibeda Mareykanka Mike Pompeo.

Maamulka madaxweyne Trump ayaa kordhiyay cadaadiska uu ku hayo shidaalka Iiraan ay u iibgeyso Dibeda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this