Sign in to follow this  
Deeq A.

Saddex Qof Oo Lagu Dilay Weeraro Saacadihii La Soo Dhaafay Ka Dhacay Magaalada London

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)-Waxaa sii kordhaya dilalka qorsheysan ee ka dhacaya magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska.

Hal qof ayaa lagu dilay weerar dhacay saacadihii la soo dhaafay taasi oo ka dhigan inay noqoneyso dilkii Saddexaad.

1560624864fea91.jpg

Taliska booliska magaalada ayaa sheegay in habeenimadii xalay nin 30 jir ahaa lagu dilay agagaarka daarta Tower Hamlets ee bariga London.

Khaarijinta ninkaan ayaa ku soo aadeysa saacado kadib markii laba qof lagu toogtay magaalada.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in muhiimada koowaad ay siin doonaan sidii looga jawaabi lahaa falal danbiyeedyada ku sii kordhaya caasimada UK.

Budhcada geysaneysa dilalka ayaa badi adeegsanaya toori, waxaana ay arintaan walaac ku abuurtay shacabka magaalada London.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this