Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisadda U Dhaxeysa Mareykanka Iyo Iiraan Oo Saameyn Ku Yeelatay Qiimaha Shidaalka Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Burundi)-Sare u kac weyn ayaa laga dareemayaa suuqyada lagu iibiyo shidaalka gaar ahaan dalalka ku yaalla bariga Afrika.

1560628591f9c15.jpg

Arintaan ayaa waxaa loo aaneynayaa xiisadda sii kordheysa ee u dhaxeysa Mareykanka iyo Iiraan.

Laba markab oo laga leeyahay Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa lagu weeraray meel u dhow xeebaha Iiraan iyo Imaaraadka taasi oo iyadana qeyb ka ah Arintaan.

Dowlada Mareykanka ayaa ku eedeysay falkaan dowlada Iiraan.

Xukuumadda Washington ayaa cunaqabateyn ku soo rogtay dhoofinta shidaalka waxaana ay ku hanjabtay dalkii la macaamila in uu muteysan doono xayiraad Dhaqaale.

Kaalimaha lagu iibiyo shidaalka ee bariga ee dalalka bariga Afrika ayaa sare u qaaday qiimaha lagu iibiyo shidaalka, iyadoo ay cabasho ka muujiyeen gaadiidleydu.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this