Sign in to follow this  
Deeq A.

Ajnabi ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo lagu dilay dagaal ka dhacay Gobolka Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Halgan (Caasimadda Online) – Kooxda Macaawisley ee Al-shabaab kula dagaallanta qaar ka mid ah Gobollada dalka ayaa sheegtay in Nin ajannabi ah oo u dagaallamayay AL-shabaab ay ku dileen dagaal ka dhacay Gobolka Hiiraan.

Saraakiisha Kooxda Macaawisleyda ayaa sheegay in dagaal shalay labada dhinac ku dhexmaray Tuulada Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Waxaa ay sheegeen in Ninka Ajannabiga ah uu u dhashay dalka Kenya islamarkaana magaciisa lagu sheegay Maxamed.

Degaankii lagu dagaallamay ayaa waxaa ku sugan AL-shabaab waxaana saraakiisha Kooxda Macaawisleyda ay sheegtay in halkaas ay ka dhacayaan dagaallo u dhaxeeya labada dhinac.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this