Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Khayre oo xalay kormeer sameeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) –  Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo xubno ka tirsan Xukuumaddiisa ayaa xalaY kormeer shaqo ku tagay qeybo ka mid ah M/ Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha ayaa si gar ah booqasho ugu tagay goobihii shalay ay ka dhaceen qaraxyada ee Sayidka iyo KM4 ee magaalada Muqdisho.

Intii uu ku jiro kormeerkan R/wasaare Khayre waxa uu la kulmay saraakiisha Ciidamada ee ku sugan Koontarooladaasi oo uu ka xog wareystay, sida ay wax u dhaceen.

Sidoo kale waxaa uu kula dardaarmay in ay xoojiyaan howlaha lagu xaqiijinayo amniga, si looga hortago weerada iyo qaraxyada ay Al Shabaab ka geystaan Caasimadda.

Shalay ayey aheyd markii qaraxyo is xig xigay ay ka dhaceen magaalada Muqdisho, waxaana kan ugu khasaaraha badan uu ka dhacay bar koontarool oo ku taalla nawaaxiga Isgoyska Sayidka oo ku dhow xarunta golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this