Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Odayaasha dhaqanka degmo ku taala Muqdisho oo Al-Shabaab la heshiiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Amaanka 17-ka ee Gobalka Banaadir waa kala heer, waxaana intooda badan amnigooda suga Ciidamada amaanka Soomaaliya.

Degmooyinka aadka ugu dhow Madaxtooyada Soomaaliya iyo agagaarka goobaha ay dowladda ku xoogantahay ayaa qeyb ka ah goobaha ay ka taagan tahay amni darrada iyo daganaansho la’aanta amni.

Hase yeeshee waxaa jirta hal degmo oo ay kuwada noolyihiin Al-Shabaab iyo dowladda oo aan midkoodna qofna ku dili karin islamarkaana aan la soo qaban karin.

Caasimadda Online ayaa ogaatay in Al-Shabaab ay kulan la qaateen odayaasha dhaqanka ee degmada Kaxda waxayna ku heshiiyeen qodobo ay kamid yihiin.

  1. In degmadaas Al-Shabaab qofna ku dilin kuna afduuban.
  2. In Al-Shabaab aysan degmadaasi ka sameynin qaraxyo xataa hadii uu joogo Madaxweynaha Soomaaliya oo aan cidna la socon.
  3. In aysan Al-Shabaab degmadaas oo koonaha magaalada ku taala aysan ka soo gelin qaraxyada loo wado Muqdisho iyo rasaasta ama hubka Al-Shabaab.

Dhanka kale waxaa jira waxyaabo kale oo ay Al-Shabaab ku badasheen heshiiska ay lagaleen odayaasha dhaqanka waxaana qodobadaas ka mid ah.

  1. In Al-Shabaabkii soo gala degmada aan la qaban, haddii la qabtana laga rabo dhaqanka degmada.
  2. In Al-Shabaab lacago looga qaado hey’adaha, ganacsatada iyo siyaasiinta degmada ku nool si loo nabad geliyo.

Heshiiskaan oo la gaaray waqti aan dhoweyn ayaa hadda la ogaaday waxaana fududeeyay in la helo xogtaan xubno Al-Shabaab ahaa oo laga sii daayay Xabsiyada magaalada Muqdisho, kuwaas oo laga qabtay Kaxda.

Dadkaas la sii daayay waxaa kamid ah wiil dhalinyaro ah oo bilo ka hor laga qabtay degmada Kaxda kaas oo la sheegay inuu ahaa Wariye Al-Shabaab u shaqeeya.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa dhowaan sheegay in la qabtay Wariye Al-shabaab uga warami jiray Muqdisho hayeeshee waxaa wiilkaas la sii daayay Todobaadkii la soo dhaafay.

Degmada Kaxda kama dhacaan dilal, qaraxyo iyo baaritaanada Ciidamada dowladda ay ka sameeyaan magaalada Muqdisho.

Qaraxa ugu dhow ee ka dhaca degmadaasi waxaa ka dhacaa waqtiyada qaar wadada Ex Control Afgooye,  gaar ahaan hareeraha laamiga.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this