Sign in to follow this  
Deeq A.

Hormuud Telecom oo taaba gelisay Shirweynaha Qurbo Joogta Soomalaiyeed oo ka furmay Istanbul

Recommended Posts

Deeq A.   

Istanbul (Caasimadda Online) – Shir ay soo qaban qaabiyeen Qurbo Joogta Soomaaliyeed ee loo yaqaano Global Somali Diaspora (GSD) ayaa Maanta ka furmay magaalada Istambuul ee waddanka Turkiga.

Shirkan oo ay taaba galiyeen Shirkadaha Hormuud Telecom & Salaam Somali Bank ayaa waxaa ka qeyb gelaya Wufuud heer caalami ah oo ay ka mid yihiin Reysulwasaare ku xigeynta Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Sifiirkii hore ee Turkiga u fadhiyey Soomaaliya Olgan Bekar, iyo Madax ka socota Shirkadaha taaba geliyey shirka & xubno Soomaali ah oo Saameyn kuleh dunida.

Guddoomiyaha Golaha Qurba-Joogta Soomaaliyeed Marwo Jawaahir Daahir ayaa uga mahad celisay Shirkadda Hormuud Telecom & Salaam Soomaali Bank sdia ay isugu xilqaameen taaba gelinta Shirweynaha, waxayna sidoo kale sheegtay in ay horumar la taaban karo ka abuureen Somalia.

Guddoomiyaha Hey’adda Hormuud Foundation Cabdullaahi Nuur Cismaan oo ka mid ah wafdiga Shirkada Hormuud & Salaam Bank ayaa ka war bixiyey wax qabadka Hey’adda Hormuud Foundation, waxa uuna sheegay in dad gaaraya ilaa 5 Malyan oo qof oo Soomaali ah ay siyaabo kala duwan uga faa’idaysteen adeegyada shirkadda. Tusaale ahaan malaayin qof ayaa ka faa’idaysta adeegga EVC Plus si bilaash ah (lacag la’aan), boqolaal kunna waxay ka faa’idaystaan taakulaynta Isbitaallada Danta Guud, Jaamacadaha, Iskuullada iyo goobaha adeegga bulshada ee shirkadda Hormuud Telecom ay caawiso.

Shirkadda Hormuud ayaa kaalin lixaad leh ka qaadatay Horumarka dhaqaalaha Dalka iyo Shaqo abuurka, ayadoo abuurtay in ka badan 30 kun oo shaqo, waxey sidoo kale gacan ka geysatay horumarinta Technology-yadda & Dhiirri gelinta Waxbarashada.

Bangiga Salaam ayaa sidoo kale wuxuu kaalin weyn ka ciyaaray horumarka hannaanka Maaliyadda ee waafaqsan shuruucda Bangiyada, dhismaha nidaamka maaliyadda ee Soomaaliya, dib u dhiska dalka sida unkidda xaafadda cusub ee Daarusalaam iyo laamiga Daarusaaalam oo 7KM ah, maal gelinta Ganacsiga oo gaarayso boqolaal malyan oo lagu maalgaliyay Shirkado iyo ganacsato soomaaliyeed, Shaqo Abuurka & soo celinta Xisaabaadka maaliyadeed ee waafaqsan hannaanka Bangiyada.

Sidoo kale, ka soo qayb galayaasha shirwaynahan ayaa dhankooda aad uga mahad celiyay kaalintaas wanaagsan ee shirkadda Hormuud Telecom iyo shirkadaha bah wadaagta la ah sida Salaam Somali Bank, Taaj Money Transfer sida ay uga qeyb qaateen dib u soo kabashada dalka iyo horumainta dhaqaalaha.​

22b88869-2757-43cc-a806-89b69ba3b95b.jpg e5cce410-2253-4cb0-8beb-7d3570bd0e97.jpg e9aef3e6-3122-4dfd-83fe-bb7243f39a28.jpg 280baba6-4d3e-4210-846d-a30c77070466.jpg 98621970-a7fd-421f-8a6a-a51aa06d6622.jpg ca3a478d-e3a6-40a4-92bb-ff5ed917fa98.jpg 50d7dab4-31b2-4ee1-a2da-280dda63cc4a.jpg 8dc43c0f-78cf-4418-9c8b-7cc1b15055ba.jpg aa07b8da-7ce7-4a20-9904-542d10ac94bc.jpg 7580c831-c734-45b7-a793-523e76c052cc.jpg c2021ae1-3fb5-4d1f-8f31-e1bca3efcff4.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this