Liibaan Posted February 15, 2006 DHIBBAN IYO DHIILADII MUQDISHO (Xiso dhab ah oo xiiso leh) Somaliweyn - Muqdisho 27/09/05 Dhibaatada xadka dhaaftay, dhiiga macna darrada u qubanaya, dhiilada dadka wejiyadooda ka muuqata waxay ahayd mid aan loo qiyaasi karin axad arkay mooyee. Waa abaarihii 1991-kii 25-kii bishii 12aad habeen aan sinna maskaxdeyda uga go’I doonin ayaan mar qura ku hambaabiray dhawaaqa rasaasta qoryaha darandooriga ah ka dhaceysa xilli aan sariirta ka dhacay ma garaneyn waxaan galay jiif cabeysi aan waayadaan dambe caanka ku noqday, waxaan xaqiiqsaday in tii iimaan kala haadka qabtay ay dhacayaan aqal ka mid ah guryaha xaafadda, walow ay deriskeygu u badnaayeen dad qaxooti danyar ah oo aad u dhibaateysan oo aan is difaaci karin hadana ay caadada tu ahayd inay rasaasta isaga asqeysiiyaan xaafadda ay galayaan si ay u argagax geliyaan degaanka ku xayiran. Sawaxanka dableyda ayaan ka dhex maqlayay taah cod haween ah, ereyadii ay ku tiraabeysaysana wadnaha uu jeex la fuqayay….aah…aah, Alla weygu taalaaye gabadha ha iga dilina..alla gabadha ii badbaadiya, mar kale dhawaaq xabbad kaliyaale ah ayaan maqlay oo codkii calaacalka ahaa halkaa ku istaagay. Waxaan xaqiiqsaday in ruuxii taahayay ay nolol is daayeen, naftaa galbatay dabadeed waxaan maqlayay qeylada ruux dumar ah oo da’yar una ekaa qof la kufsanayo, nasiib daro waxba uma qaban kareyn, walow ay masaakiintaa hoos rafaneysay tii dad qalka ahayd ee ku dhiigya caboobay dagaaladii sokeeye, Allaanse uga baryay inuu samata bixiyo. Waa’ ku dhowaadkii ayay tii halkaa isaga hayaameen waxaanse ka mid noqday dadkii deriska ahaa ee ceebeysnaa kuwii ugu horeeyay ee u gurmaday, waxaan halkaa ugu tagnay ruux dhimanna aan nooleyn, xinjirada bowdaha iyo jirkeeda gebi ahaan hareeyay waxay ahaayeen kuwo aan gebi ahaanba indhaha la siisan karin, waxaase ka sii darnaa Duq Cosob oo gabadha xuquuqul insaanka si ka baxsan loola dhaqmay hooyadeed ahayd oo iyadoo nafi ku jirin dhinac xoorneyd dadka soo dul dhoobtayt naxdin darteed ruux hadlayay kuma uusan jirin goor dambe oo leysla wada yaaban yahay ku hadaaqday axadkii aan u soo gurmanay jaarkeygow daawasho waxba iima gashee raro gubyadaan iga qaada, inta hal mar la soo baraarugay ayuu qof waliba wax ku dhaqaaqay, aniga inanta dhiig baxeysa ayaa ii darneyde wiil I garab taagnaa ayaan ka codsaday inuu gaari gacankiisa la soo ordo ileyn talo kale ma heyne. Gaari gacankii ayaan Cusbitaal Mariina ku geynay gabadhii ay dhaawaceen af ku dambiilayaasha taasoo ay ugu darneyd rasaas ka haleeshay halbowlaha bal balka bidix taasoo sababtay in saalada qalliinka la saaro ayadoon cid kale loo heynna ayaa dhiig leyga miiray, waxaana Ilaahey ku guuleeyay qalliinkaas Dr. Jimcaale oo xilligaas howsha waday. Qalliinkaas wuxuu socday muddo aan qiyaasi karin oo soo af jarmay subaxnimo arbaco ah taariikhduna ay ahayd 25/12/91-dii. Bal aynu dib u milicsano DHIBBAN iyo waayihii nolosheeda oo ka bilaabaneysay 15/10/1972-dii. Waayihii nolosheeda: Waxay hayd barqo arooryo saxan saxada jirta seymaha roobaad ee cirka ku gadaafnaa shimbiraha kala ceynadka ahee hawada codkoodu camiray, badda oo dhinac ka hugmeysoo arlada nabad ugu baaqee, dadka reer Kismaayana xusuus ay la muusoonayeen, ayadoo ay suugaantaas jirto ayaa Maxkamadda magaalada ay ka aloosneyd dacwad aad u kulul oo jawiga maalintaa jiray u bedelaysay mid cakiran oo dadka Maxkamadda gudaheeda ku jiray ay dhididka iska filqayeen, dacwadaasoo u dhaxeysay inan qiyaastii 20-jir ah astaamihii reer miyiga ay ka muuqdeen lahaydna uur bilo dhameysi ah hugeeduna calalo yahay ayna u dheereyd diif, diihaal iyo darxumo jirkeeda gebi ahaan ka muuqatay. Waxay ahayd qalfoof garbuhu waabmeen waxayna indhaha ku gubeysay wiilka ay dacwadda kala dhaxeysay oo iyada meel wejiga kaga beegan fadhiyay waxa uu ahaa wiil qiyaastii 30-ka cagaha dhigay deggen oo aadanba u moodeyn nin eedeysane ah, wuxuu ku labisnaa dharka ay waagaa maal qabeenadu qaadan jireen, dadka Maxkamadda soo galayna wey salaamayeen oo dhunkanayeen, ayada oo xaaladu sidaa u cakiran tahay ayaa waxaa soo galay qaalligii Maxkamadda mar qura ayaa fadhiga laga wada kacay, gabadhii dhibanaha ahayd maahee, qaalligii ayaa si kahsi ka muuqdo u yiri: “Haye gabadha maxaa ku dhacay waaba kici la’dahaye?†way yara ruqaansatay, walow ay dadaashay hadana wey sara kici weyday afkeedeyse maashays oo ayadoo dhibaatadii loo geystay dib u gocaneysa ayay ku hadaaqday: Hayin kaceygii habeenada, hor ilaahey wacadkii, heshiiskii qarsoonaa, hamigii nikaaxu iga raacay baa, hiradow eedaye, habeenkii macaanaa, hoos iga cuskaday baa, hiiradow eedaye, habaar qabow curdankii hilibkeyga, hal gaad adaa ku goysoo hambo iiga tegaye, habeenadii haahdu kaa baxeysay, hiradow ma ilowday? Horyaalada Maxkamaddow hor ilaah baan idinku dhaarshaye, hororka heygaga tegina!!. Inkastoo dadkii maxkamadda ay la wada murugoodeen hadana Hiirad iyo xaakimiintii waxay u ekaayeen kuwo aysan damqin calaacalkeedaas. Mar qura ayuu qaaligii miiska u garaacay burriskiisii…aamusa...aamusa ayuu ku qeyliyay, la aamus oo la wada dhowr, intuu jimcisaday oo giir iska kiciyay ayuu ku bilaabay qaaligii MAXKAMADDU WAA INOO FURAN TAHAY, waxaynu gabagabeyneynaa dacwadii u dhaxeysay dhibane Cosob Bile iyo Hiirad Xaaji Xuseen, faahfaahin waxaan ka sugeynaa garyaqaanka guud ee Maxkamadda, qaalligu waxa uu iska xejiyay inuu faah faahin ka bixiyo arrionta xukunkeeda u dhameysnaa garyaqaanka si aan loo fahmin in gacanta lagala hadlo. Garyaqaankii oo warqado badan rog rogaya ayaa hadalkiisii ku bilaabay: Jaalle qaalli iyo jaalayaalba waa idin salaamay, acwadan waxaa oogay gabadha halkaa fadhida ee lagu magacaabo Cosob Bile, iyada oo ku mudaceysay in inankaa ka soo horjeeda ee la yiraahdoHiirad Xaaji Xuseen uu si hoose u mehersaday dabadeedna calooshaas ka kuusan u yeelay, si kastaba arrintu ha ahaatee Hiirad Xaaji Xuseen waa uu inkiray wuxuuna sheegay in uu yaqaan inay ka mid ahayd shaqaalaha qasabka gura ee beertiisa waxaanu dhaar ka maray inuu gabadhaa uureeyay amase uu la baashaalay gabadhana Sheekha ay leedahay wuu igu mehriyay iyo shuhuudiiba midna ma heydo, sidaa daraadeed Jaalle Qaali adigaa lagaa doonayaa waxa sharcigu ka qabo inaad ku xukunto. Xaakimiintii Maxkamadda ayaa shan daqiiqo oo showr ah qaatay, iyada oo leys weydiinayo halka Hiirad lagu dhaariyay, war ma guryahaa leysku dhaariyaa? Mooyee yaaba yaaba dhaariyay horta? Cosob iyadu dhafoorada ayay heysatay xanuunkii foosha oo ay qarsaneysay ayaa dhan walba ka soo weeraray, mar mar ayayba is lahayd armuuba kafka soo galay, quus beyba ka taagneyd arrinta Maxkamadda dhegeheedaase ku hambaabiray qaalligii oo leh: “Maanta oo taariikhdu tahay 15/10/1972 saacaduna ku taagan tahay 11-kii aroornimo waxay Maxkamaddu go’aamisay in Hiirad Xaaji Xuseen uusan wax dembi ah lahayn, gabadhana ay ka been abuuratay, Maxkamaddu wey xiran tahay, Cosob iyadu intaa markay maqashay fadhigii ayay ka faniintay oo suuxday, Cusbitaalka ayaana loola cararay. Waayuhu iyagaa cashar ku baree Cosob waxay ku hambaabirtay qeylada cunug ay dhaqaatiirtu Dhiban Dhiban lahaayeen, wey iska fahamtay in wixii caloosheeda ka kuusnaa ay noqdeen ruuxaa dhibaatada adduun la wadaagaya wey garowsatay iyada iyo gabadheeda yar adduunyo ku soo fakatay, waa hooyo, ciillan dhan walba ka cilladeysan, hooyaan lahayn hu’ aan heysan, hungurina haba sheegin, shaqada ay qaban jirtayna waa mid aad u adag, waxay ahayd xamaali qasab gura oo cid u naxeysa aysan jirin, qof umul ah oo hadana canug xambaarsan, hawo lagama qabin in beeraleydu shaqo siiyaan, xaaladu haba cakirnaatee Cosob, waxay ka dhiman weyday gabar saaxibteed ahayd oo qasab gurato ahayd, labadii maalmood oo ay isbitaalka ku jirtay gabadhaas hiil iyo hooba wey la garab taagneyd, balse Cosob habeen aan sina maskaxdeedu uga go’eyn ayay iyada iyo saaxibteed go’aan ku gaareen, aqalkii bushka ahaa oo ay ka degenaayeen Kismaayo inay Dhibban u fogeeyaan wadada laamiga ah ee u dhaxeysa Kismaayo iyo Xamar si dadka socotada ah ee Xamar Cadde u jeeda Dhibban u qaataan, halkaas nolosha gabadheeda ay ugu sabartay, Dhibban waxay ifka nolosha timid abaarihii 15/10/1972-kii isla 18/10/72 iyada oo dambiil calal ah ku dhex jirta ayay hooyadii dhashay soo dhigtay meel duur ah oo ay dherersaneyd wadada Xamar Cadde aada, Cosob iyo saaxibteed meel geeduhu madaxa isla galeen oo wadada qarkeeda ah ayay indhaha ka soo dhiibteen iyaga oo doonayay inay indhaha ka buuxsadaan axadkii dambiishaas iyo hadiyada ku jirta qaadan doonta. Waxay ahayd arooryo hore oo qorraxda ay baasha biyaha kala soo baxeyso, waxaa dhaceysay dabeyl aad u xoog badan oo Maansuun ka Koofur bari ah, dabeyshaas waxay daadihineysay carro jaay ah oo sida dhimbilaha dabka oo kale kuugu dhaceysay. Dhibban hanfidaas ay dabeyshu wadato ayay la wadaageysay iyada oo hooyadii dhashay ay qeyladaas habar wacashada ah bogga holmanayay mar marka qaarna ay Cosob la jarcineysay cabsi ay ka qabto in gaari xowli ku socda jiiro, oo dhiiga gabadheeda wejiga kaga faniinsho, mar ayay damceysay in ay gabadheeda ay iska qaadato oo ay iskala tuugsato hadana waxay soo xusuusaneysay maah maah dadka reer Kismaayo ay kaashadaan “Kismaayo iyo Kistaadaâ€. Iyada oo sidaa u walaacsan mar marna ilmeyneysa saaxibteedna ay ku adkeysaneyso inay adkeysato ayay gabadheeda soo gaareen qiiq…qiiiq, show waa gaari safar ah oo sida haada duulayay oo meel soke dambiisha ka arkay Cosob af labadii ayay yeeri maagtay markay aragtay inanteeda Dhibban oo afarta lugood ee gaariga ku hoos jirta naxdinta ay naxday wax dhaqaaq ah kama soo bixin, waxaase garabka ka qabtay oo soo fariisiyay saaxibteed oo tiri: “Naa naga fariiso yaan nala arkine†iyaga oo leh ayay iyada iyo Cosob indhaha ku kulmiyeen Dhibban oo hoos taal gaari ahaa shanfar, Cosob iyadu ilmada ayaa ka gobo’ lahayd ileyn waa beer wax dhalay darawalkii gaariga ayaa isagu u soo degay si deggan isagoo yaab iyo anfariir ka muuqdo ayuu ka soo hoos jiiday dambiishii gaariga, mar qura ayay isaga iyo rakaabkii indhaha ku kulmiyeen canugga dambiisha dhex rafanaya, balse durbadiiba waxaa oogantay dood ku saabsaneyd cidda hadiyada qaadaneysa, darawalkii ayaa isagu gebi ahaan laad ku dhuftay qorsheyaashii ay rakaabku wateen, Kaalib markuu Kirishbooyga ku amray inuu dhabta u saaro gabadhan yar ee hadiyada ah, isagoo juuq kale oran ayuu gaariga wadada ku dhaqaajiyay, leyslama hadline halkaa ayuu darawalkii ku hantiyay, ujeedada darawalku waxay ahayd in walaashii oo da’da Kontonka ku jirtay oo aan ilmo lahayn ay korsato si ay hadhow ugu degto. Darawalku waxa uu ahaa nin dhallinyaro ah oo firfircoon, xaas laba caruur ah oo isweydaar ah ayuu mas’uul ka ahaa walaashii oo iyadu soo korisay ayay isaga iyo xaaskiisaba la degenaayeen darawalka, waxaa maalintaa nin aan furfurneyn ka dhigyay qeylada gabadha yar ayay la walaaceysay taas oo ugu wacneyd qabasho xumada kirishbooyga iyo gacmihiisa kakan iyo waliba dabeysha xowliga gaariga ku dhaliyay, kirishbooygu si kastaba dhibkiisa ma yareyn walow howlihii kirishboynimada laga nasiyay, hadana xaarka iyo kaadida ee canugta yar seyreysay ayuu la sarqaamay, Xamar fogaa ama gaarigaan socaneyn, maxaa qoorta noo gelshay iyo ereyo fara badan ayay maskaxdiisu jawaab u la’eyd, saq dhexe ayay ahayd markay Xamar fooda soo geliyeen, markuu rakaabkii ka daatay durba guriga darawalka ayay horay ka abbaareen, si farxad ku jirto ayaa guriga loogu soo dhoweeyay darawalkiina walaashii ayuu u hadiyeeyay gabadhii yareyd, si hoosena ugu sheegay sida uu ku helay iyo walaashiis Filsan aan laga xigin, Filsan walaalkeed way uga mahad celisay. Gabadhii yareyd markii ay dhugatay dhibaatada safar ee ka muuqata ayay mar labaad ugu magac dartay “Alla tani waa DHIBBANâ€. Jawigaa farxadda u lahaa Filsan waxaa kala gooyay gurxan ka baxayay Caasha Cuud oo darawalka u dhaxday show iyada oo aan is ogeyn ayaa af labadii yeertay, Alla, Alla amaan iska dhintaa, maxaan u ogaan waayay intuu ceelkaa waraabsanayay oo sagaal bilood calool canug loogu siday, naa dhabankeyguu ka arkay hadduu I nacay oon la duugoobay muu iska key furo, hadaan taa cafiyo Caasha Cuud wallaan ahayn Allaa, cowdu billeyso oo wax hubso ma lagu maray, darawalkii ooy talo ka firirsan tahay ayaa isaga tanaagoobay xaaskii iyadu waa ka dhab si walboo inanka loogu sharxay waa la marsiin waayay canugan wadadaa laga soo helay, waxaa afkeeda ka bixi weysay “Darawal iyo naag miyaa la kala ilaalin karaa?†kol dambe oo la is mari la’yahay ayaa Kirishbooyga oo qubeys ku jiray doodan suuliga ka dhex maqlay hoostana ka qoslayay, isaga darawalka oo xanaaqsan lehna ka xaaxaabihee kalkaaga aniga waa I qurmiyaye isagana qeyluu madaxa la galay, muu iska siiyo dadkii rakaabka ahaa ee u hamuun qabay, balo kuugu dhacday isagoo markaan sidii hore ka carfoon soona dhar bedeshay ayuu soo garab istaagay darawalkiiyoo talo farihiisa ku jirin kirishbooyga waa u dhuujin lahaay maahine wuxuu ka baxay qoyskaa dhisan inuu burburo, bal u kaadi dumaashi ayuu yiri Caasha Cuud oo calaladeeda wadata isagoo farta ka saaray warqad Carabi ku qorneyd oo Dhibban dambiisha ku bilowday. Caasha Cuud Carabiga wey ku wanaagsaneyd iyadoo akhrineysa ayay sidatan ku bilowday: Ka: Hooyo aan qumaneyn Cosob Bile 18/10/72 C/O: Kismaayo Soomaaliya. Ku: Qofkuu Alle hadiyadan haleeshiiyo C/O:…… Waxaan ahay Hooyo xun cillan laguna inkiray canuggaa yar ee dhabta ku heyso waa hadiyad ee qaado oo korso, hooyo ayaad u tahay anna sidoo kale nolosha hadaan ku kulanno adiga ayaa ah hooyadii koowaad, maxaa yeelay waad nuujisay ood korisay wax bartay aniguse waxaan ahay tii dhashay dhibkiisana ka carartay ee wadada dhigtay waa Cosob Bile, Nabadeey, hadiyad intaa akhrisay ayay qabowday waxayna kaga cudur daaratay duqeeda Maxamed Weli maseyrkii gurigeyga dumin gaaray waanu aqbalay. Dhibban waa tii la soo xambaartay, waa tii dhabteeda ku ooyeyneysay islaantii 50-jirka ahayd darteeda, waxay la kulantay hooyo aan wax dhalin ubad ay ka maqneyd waxaa loogu heestay waryaa diloo dagaalamay, yaa daab loogu heestay waryaa diloo dagaalamay, yaa daab kulul u soo qaatay war inanta waa inanta iyo hadallo kale oo aad u jilicsan, noloshaas aan saxarka lahayn ayaa Alle Dhibban dhexda uga tuuray caruurnimadeeda waxay ahayd ubax ka dhex ifayay xaafadii ay deganeyd lix jirkeeda ayay ahayd xilli ay u dhaqaaqday dugsi hoose iyo Qur’aanka Kariimka ahba waxayna ciyaalka kale kala dhex muuqatay qurux sida cadceeda biyaha badda ka soo fooceysa taas oo boholyow ku abuureysay bahda ay ku degaanka tahay walow uu Dhibban dhibaato xoog leh ku qabtay ciyaalka malcamadaha la dhigtay oo marka yara ay qeyliyaan ku yiraahda w-acal baad tahay iyaga oo aan si aan arxan lahayn uga daba qeyliya, Alla waa wacasha Maxamed Deeq oo saddex sano ka weynaa, Dhibban uuna dhalay darawalkii Dhibban soo helay ayaa isaga had iyo jeer Dhibban u ilaashan jiray sida Ukunta oo kale. Isagoo marar badan dagaal u galay, hororka Dhibban leynaya quruxdeeda dayax la moodka ka qeyilsan, walow ay hooyadii ahayd wax Dhibban inay w-acal tahay oo seygeeda jidka ka soo helay. Dabayaaqadii 1972-kii suuqa geliyay hadana canaan joogto ah ayuu kala kulmi jiray marka ay hooyadii aragto, isagoo Dhibban madaxeeda wax u soo dilay oo la dacweynayo, amase iyaga oo sida laba mataano ah iskuulka ka soo laafyoonaya, waxayna kula hadaaqi jirtay Alla wiilka wacashan xumee quruxda u dhalatay ayuu iiga indha daraan daray, Alla marka uu baaluqa waaba ku waalan, war kan yaa dhaloo naga wata, Maxamad Deeqse hadallada dheg jalaq uma uusan siin jirin oo tiisaa kaga weyneyd, ma uusan dooneyn in Dhibban xageeda laga xigsado, wuxuuna niyadda u sii sheegan jiray in ay tahay ubaxii mustaqbalkiisa. Ooridii noloshiisa waxaase wax kasta kaga filnaay degenaansho iyo dulqaad ay inanta yar u dhalatay, taas oon la qiyaasi karin caruurnimadeeda waxay ku oran jirtay Maxamed Deeq markay hooyadii hadallada xun xun ku tiraahdo ee madaxa hoos uu u laad laadiyo isaga oo ka xun caayda loo huwinayo, Dhibban yarey Alla aboowe waa hooyo ee iska samir gacanteeda raxmada leh ayay ilmada uga tirtirto, aboowe qof caay u dhintay lama arkin, aniga waan kuu noolahay, iska hilmaam intey tiraahdo ayay horay isaga gudbi jirtay iyada oo dhabta isaga tuuri jirtay hooyadii korsaneysay arrimahaas iyo kuwo fara badan oo kaga imanayay Maxamed Deeq hooyadii waxay soo dedejisay inay xaafadda isaga haajiraan, Dhibban iyo hooyadeed 2aad ee Suuban, iyaga oo degay bartamaha degmada Shingaani halkaa oo uu ku taliyay nasiiblihii gabadha wadada ka soo helayay, waa Deeq aabihiise walow ubaxyadii yar yaraa ay kala haajireen hadana qalbiyadoodu waxay ahaayeen kuwo isu soo hilooba, waayo badan ayay xilliyada la kala fogeeyay, kuwaasoo kala qaateen nolol ay mugdiyadu u goodiyaan, farxad ayay aroortii isku qaabili jireen iyo duhurkii kolka iskuulka laga rawaxayo, murugo isku sagootin jireen, waayahaas adag ayay ku soo idleysteen waxbarashadoodii dugsiga hoose iyo dhexe iyaga oo kala degenaa xaafadaha C/Casiis iyo Boondheere, sanadkoodii sideedaad ee dugsiyada hoose iyo dhexe wuxuu ku beegnaa 85-86-kii, wuxuuna ahaa sanad uga duwan sanadaha kale, maxaa yeelay marka hore wuxuu geba geba u ahaa waxbarashadoodii dhexe, tan labaad wuxuu ahaa sanad ay labadooduba hana-qaadeen, gaar ahaan Dhibban oo quruxdeedii gabarnimo la soo shaac baxday iyadoo 14-jir ah, halka uu Maxamed Deeq 16-jir ka ahaa walow tufaaxyo bislaaday ay indhihiisu qabanayeen, hadana ma lahayn awood uu Dhibban ku yiraahdo Tufaaxyada kaa qotoma ayaa I beer qaaday, inkastoo laafyaheeda garaadada leh, dhexdeeda dhuuqsan madagta la moodo, timaheeda seynta leydha la ciyaara, degenaanta socodkeeda laafyaha lagu laray, dibno nimey u dhaqaajisaan kaa waabane, dhalintii iskuulka macallimiinta iyo arday ayay saqraan ku riday, iyada oo mid walba udbihiisa iyo dhegihiisa soo qaatay, isagoo shukaansi doon ah, waxayse tii ugu xumeyd ka dhacday markuu Cabdi Tookiyo oo reer ladan ah oo xukuumadii markaa jirtay ka mid ahaa soo damcay, Dhibban gaarigiisa quruxda badnaa ugu gacan haatiyay, oo ay indhaha uga candhuuftay maxaa wacay indho kale oo aan deeq ahayn ma aysan lahayn, kama uusan harine barqo cad oo imtixaankii kama dambeysta ee dugsiyada hoose dhexe soo dareeray ayuu warqad digniin ah farta ka saaray, Maxamed deeq oo garab socday maseyrna uu yara galay, ayaa weydiiyay Dhibban maxay tahay warqaddan uu Tookiyo kuu dhiibay?, waxey tahay waa la arki, inta tiri ayay Deeq garabka ka sii qabsatay, iyada oo u muujineysa inay ragoo dhan isaga ka jeceshahay, wuxuuna la yimid xaafadii warqadiina waa la furay waxaa ka soo yaacay ereyo uu Maxamed Deeq dhiig kar ka qaadi gaaray, Dhibban ma u dulqaadan karo anigoo ah wiilka kaliya ee iskuulka ugu sita lehna gaari Land Cruiser ah inaad har cad indhaha iiga candhuufto oo aad iga raacdo Deeqaa lugaha boorka ku leh, ogow hadda waa jacayl mustaqbal, wuxuuse isku bedeli doonaa daqiiqado ka bacdi, hadaad adigoo jacaylkeyga daacad u ah taleefakeyga 2086 isa soo wici weydo kufsi, mustaqbal dumis ah…ereydaa markii ay ku dhaceen qalbigeedii isu oomanaa murug ayaa baleysay waxayna Dhibban ka bixi weyday Aboowe xaadaa I taag taagan waan cabsanaa, ha iga tegin, ila joog, nasiib xumo inteysan hadal kale oranba waa Cabdi Tookiyo iyo laba saaxibadii ah, show intey murugsanaayeen ayayba geeridoodii iridda soo dhigteen oo dalaq soo yiraahdeen, la islama hadline qeylaa bayaantay, Cabdi Tokiyo isagu deeq ayuu feer ku bilaabay, labadii kalena xoog ayay Dhibban ku saareen gaariga, Deeq inkastoo laga weynaa oo laga xoog badnaa hadana hal ilig ayuu ka jebiyay Tokiyo dhulkuuse ku dhacay oo suuxay. Tookiyo dareen kale isma geline inta jajabkii ilkaha iska tufay ayuu gaarigiisii shirka kaga dhacay oo ay saaran tahay Dhibban oo sidey u firigleyneysay dharkii oo dhan ka noqdeen calalo, jirkeeda ka wada muuqda intuu Tokiyo indhaha saaray jirkan cadee quruxda badan yirina “Walee waanu kaa biyo cabi†ayuu gaarigiisii furaha ku rogay waxayse indhihiisu qabteen duq Suuban oo gaarigiisa hortiisa isku geysay af labadiina la qeylineysa waar iga soo gaara! War tuugada gabadha iiga dhiga!! Dheg jalaq uma uusan siine gaarigii ayuu si xowli ah u dhaqaajiyay, Suubanse waxay ka hoos shanqartay gaariga oo sida cajiinka u shiiday maxayse kuugu taalaa waxa uu gurada daray markuu laamiga ku dhac is yiri gaari weyn oo 113 oo ay Boolis ka buuxaan burbur kadib bood kale ma aysan dooneyne saldhigga hoosta loo dhigay Tokiyo iyo saaxibadii. Dhibban inta wixii war laga qoray ayaa gurigeedii lagu soo celiyay buuq Ayaa maalintaa guriga dhiileeyey booliskana wixii dhacay iyo caddeymihii Indhahooda ayay ka buuxsadeen, suuban maalintaa ayaa loo galbyay hooyadeedii Dhabta ahaa dhibanse aduuyo ayaa ku soo fakatay waxeyse kali ku noqotay Guri ku yaalla xaafadda Arjantiin ee Degmada Kaaraan ka soo lix qol oo Lamayeeri ah ka koobnaa uuna lahaa ninkii soo helay, qolkii ay deganeyd Maa hee shantii kale ayada ayaa la yiri kirada kac oo gaari raac iyo iskuulka ka dhigo halka uu qutulyookeeda uu saaray makhaayad taas oo ay ugu wacneyd in aan la is tusi karin xaaskiisa oo deeq hooyadii aheyd, dhan ka kale reer Tookiyo musuq maasuq dheer ka dib waxay ku guuleysteen in wiilkooda ay saldhigga ka deysteen Oo arintii ka dhigeen shil caadi ah, inkastoo ay u cuntami weyday deeq iyo Aabihii, hadana danta ku qasabtay iney shafa shafo qaataan arinkiina halkaa ayuu ku xirmay. Deeq iyo dhiban waxaa u biloowday waxbarasho cusub iyo sanad Dugsiyeed 86-87kaa oo ay ku baleeyeen waxbarashadoodii sare iyaga oo ah lamaane jaceylku sku rakibay lehna mowqif adag oo mustaqbalkooda ah qoraalkiisuna uu ka mid ahaa in marka ay waxbarashadooda dhameystaan ay waajib muqadas ah ay tahay inay is guursadaan, iyada oo cid lagala tashanayana aysan jirin hayigaa culus ee mustaqbal doonka ah. Sidaaa yayey ku soo dhameysteen waxbarashadoodii 1986-87-1987-88,1988-89 Ilaa ayka soo gaaraan 1989-90 o ahaa sanad uga bedelansanadihii kale ee nloshooda soo maray, waa sanadkii ugu dambeeyay waxbarashadoda waa sanad hadayiskuulka dhameeyeen ayshaqoama jaamacad key doonaan heli karaan, waa sanad ay da’doodu ay buuxsantay, waa sanad ay xoogooda iyo maskaxdooda ay ku kalsoon yihiin waxaase kasii farxad badnaa in uu noqday sanad ay caleemo qoyan u luxaan sanad ay xusuus la ooyaan sanad ay beerar isddhalaaayfarxad ku kulmaan waa bartamihii 15-6-1990kii oo ay dhiban indhaha saartay beerkii dhalay ee hooyo cosob bile. Waa arooryo hore ooay shimbiruhu codd mcaan geedaha dushooda uga heesayeen, dhawaaqooduna ay caawineysay saxan saxada subaxdaa jirtayiyohugunka bad wynta Hindiya oo arlada soo jeexayay jawigaas quruxda badan wuxuu ku beegnaa 15-6-1990-kii, waa maalin xusuusay la ilmeysay Dhibban markiisidii caad-adeedu aheyd ayag fariisatay islaan waayeel ah ee degeneyd guriga dhiban, aroortiina ay isla qaxweyn jireen, subaxaa wuxuu ahaa maalin jimca ahwaana subaxa kaliya oo ay dhiban iyo islaantaa sheekadu isugubixi jirtay maxaa yeelay inta kale Dhibban iskuulka ayey u carari jirtay, Dhibban iyo islaantaa waxey isku jeclaayeen nolosha ayey isaga mid ahaayeen maxaa yeelay islaantu waxey aheyd gablan aan carruur laheyn waxaa meesha dejiyay gabar ay eeddo u tahay oo nolosheedu kutiirsaneyd, sidaa darteed dhibban iyo iyadu waa labo iskaabulo ooleyska soo fogeeyay, subaxaasise waxaa wehliyayislaan kale oo habarta saaxiibteed aheyd walow ay subaxaa Dhibban dhegaha uun ka dhageysaneysay sheekadooda iyo qosolkooda hadana mar qura ay kuso hambaabirtayislaantii guriga deganeyd oo leh Dhibban raali naga noqo sheekadaa nala tagtaye, horta aan ku baro saaxibadey qadiimiga oo waayaha dhallinyaradeena isla soo qaadanay, waxaa la yiraahdaa Cosob Bile, yaah Cosob Bile aa…ayeyDhibban af labadii la yeertay naxdin uma dhineyn, waxey la argagaxday magaca aysanadaha raadineysayqof la yiraahdo oo maanta dhegaheeda soo gaaray, intey hadal kale oranba islaantiiayaa hadalkeedii sii wadatay ootiri adigaa dan u yaabiye waa gablan anigoo kale ah, caruur ma leh, balse ma dhasho anigoo kalaa ma aheyne waxaa Ilaaheysiiyaygabar markiikii dhalay ku inkiray ayaa labadayda oo wadajira waxeynu dhignay gabadhiiiyadoo dambiil calal ah ku jirta wadada Kismaayo ee Xamar sooaada, subaxaaa kalma caqli rooneyn waxenu aheyn dhoocillo yar yar oo ka faanaya canug laguinkiray, waalow aan aheyn habloshqeysta oo gabadhooda korsan kara hadana taladuwey na baal martay: Waa kaa kibirkeynii bal yeynu gablan, noqon, dhibban iyadu ilmadaa ka gobo’ leh, waxeyna indhaha ka qaadi la’dahay islaantii la yiri waa,cosob Bile, waxeydooneysay iney ku soo haaddo oo ay tiraahdo hooyo,, Hooyo,balse waxey u ekeyd ruuxkorontoqabsatayoo kale,far ma nuuxin kareyn waxey indhaheedu sawirayeen warqaddiila siiyay ee la Yiri dambiisha ayey kugula dhex jirtay, marquraasekorontaadiika fuqday kolkii Islaantutiri, gabadhanwaxaa layiraahdaa dhibban,gabadheenii ayeyu magac egtahay, Egtahay, ahaase ma aqaan, cosob Bile ayaa iyana kaleed ilmeysay waa leysu ilmeeyay leysu hiloobay, beerarki is dhalayseweyskuboodeen oo iskuduufeen,hooyo..hooyo macaan, Dhibban, Dhibban, Alla gabadheydiiiska key cafiwaan kuxooray, islaantiiayaa qudheeduka qeyb qaadaatay oo ilmeyday ilmo kulul, waxa isna soo afareeyey Maxamad deeq oo ayDhibban subaxaa Jimcaha aheyd ay ku balansanaayeen ineyxeebta Liido isla aadaan, dhankiisu ka ilmeeyay markuu arkay gacaladiisii oo xabadkeedu la qooyay ilmo ay u hibeysay wadanihii dhalay, waxaa soo shaneeyay deeq aabihiioo wata toyoto Hilux-tiisiiaheydwuxuudoonayay inuu Dhibban maalintaa magaalada ukaxeeyo oo soo arrad bixiyo, wuxuuse la kulmay wiilkiisiiiyo Dhibban oo laba islaamood ku maran deriskaase u sheegay duqa in dhibban hooyadeed heshay maalinkaa dhankiisuuka ilmeeyyaywalow maalin xusuus badan ahaa, bahdii waxeyaqbaleen codsi uusoo jeediyay Deeqaabihii ooahaa ineybaar Abuukar u qadodontaan, Hilux-ti ayaa lagu soo dhacay, waxaana la yimid baarkii oo kaabiga ku haya wadada Afgooye, maalintaa waxa ka dhacday is cafin, isu mahad celin, hooyoCosob Bile Dhibban ayey u hibeysay Deeq. Laga soo bilaabo maalintaa xusuusta mudan lamaanihii ay qoyska intiisa kaleba waxay beegsadeen nolol…isbedel ku dhacay Maxamed Deeq hooyadii Caasha Cuud kadib markii ay aragtay Dhibban hooyadeed Cosob Bile una sheegtay inaysan gabadheedu w-acal ahayn, balse lagu inkiray yarkii ka dhaxlay, walow ay jeclaan lahayd inuu dunida joogo oo maanta laga wareysto, hadana naxdintii aan ka naxay iyo dhaartii uu maray ayaa wadnaha la istaagay maalinkaa walow, markii hore uu gabadha igu inkiray hadana maalintaa gabadheyda Dhibban waxaan u qiray inay agoon tahay, waxay kaloo Cosob ugu mahad celisay Caasha Cuud sida wanaagsan ee ay mowqifkeeda ugu soo dabacday waxaana mar labaad ay labada hooyaba si uur furnaan ah leysugu hibeeyay oo gacmaha leysku saaray Deeq iyo Dhibban. Dharaaraha ayaa dhibaatiyo dhakafaar dhinac kastoo laga eegaba dheelimaad galee 15/6/90 waa taariikh baal dahabi ah kaga jirta qeybaha xusuus qorka Deeq iyo Dhibban, waa xilligan ay kalsoonida layaabka leh u qaadeen dhismaha mustaqbalkooda walow ay Dhibban xaqiiqsatay inay agoon tahay hooyo uun ifka u joogta hadana Deeq aabihii waa kan kaliya ee nolosheeda abaalka ku leh, waa aabaheedii labaad maalintaa ayayna booska aabanimada ku buuxisay sanadkaa lamaanuhu waxay waxbarashadoodu 1989-90-kii ku dhameysteen farxad iyo reyn reyn waxaana la oran karaa waa sanadkii ugu farxadda badnaa noloshooda waxa ayna sugayeen oo kaliya soo dhejinta imtixaanka oo ah mid ay aad ugu rajo weynaayeen inay ku gudbi doonaan hananna doonaan balanqaadka aabahood ahaa haday gudbaan inuu waxbarasho jaamacadeed ugu diri doono Kanada….Kanada ayaa maskaxdooda ka ciyeysay…mar quraase gudcur gurigooda u soo galay, nolol mugdi ah ayaa u bidhaantay, noloshaa lagu kala haaday, leysma macsalaameynine…ruux waliba hortiisuu u dhaqaaqay…waa abaarihii maalin Talaado ah 25/12/09-kii waa subax dadka reer Muqdisho ay dhaawaqa rasaasta la asqoobeen…waa taariikh mugdi ah…waa xilli ay rasaastu talada ka bilowday Muqdisho…waa astaantii jabhado aan mowqif lahayn, kala ujeeddo ah, waa arooryo uunku uu is eeday…waa maalin sariiraha leyska kacsaday…waa maalin hooyo iyo canugeedii kala irdhoobeen…waa maalin Wasaaradihii…iskuuladii…isbitaaladii iyo dhammaan goobihii waxqabadka dadweynaha albaabada leysugu dhuftay…waa xilli noloshii isbedel ku dhacay…reer magaalku baadiyaha u qaxeen…reer baadiyuhuna magaalada u soo qaxeen…waa maalin buluglow calankeena ciida lagu jiiday…waa maalin curdankii xoogga dalka qabiil leysku raacshay…waa seben la yiri jabhaduhu ha taliyaan…xooguna ha iska hayaamo…cakuye wax ma garad dheh, hooyooy aniga iyo adiguba taariikhda wey na qori…oo aanu ka marag kici dalkaan ciddii wax u qabatay iyo cidii burburisayba, waa tuu Abwaankii Soomaaliyeed ee dhibaatada dalka iyo dadka la ooyay yiriye: “Wixii sabab la’aan dhacay…hadaan Soomaali loo dhaafin…hadaan sacabada leysku qaadin saacad gudaheed…hadaan calankii seenyada lahaa samada loo taagin oon saqiir iyo kabiir sacab dhawgooda yeerin…hadaan ciidamadii saami jiray salabka loo qeybin…hadaan saatirkii na uuntay sama la weydiisan…dilkaan sabab la’aan waa sii soconayaaye…hadaad siyaasiyiin dagaal tihiin…mar buu Zuuga kulul idin salaamiye…sidaa u wada samaha diideene…eebahey intuu ku simo weyska sugayaane!!!â€. Abwaanka waxa uu ka hadlayay xilli ay xeero iyo fandhaal kala dhaceen, Dhibban ay Deeq dadka reer Muqdisho waxba kama duwaneyne waxay ku kala anbadeen dagaaladii Deeq iyo reerkiisa waxay degenaayeen Deg. C/Casiis waxayna u qaxeen dhanka iyo Kismaayo iyaga oo uga sii gudbay Mombasa-Kenya, halka Dhibban iyo hooyadeed ee beerka dhulka ku hayeen jiingadii ay degenaayeen ee Arjantiin…lamaanuhu isma ilaawaan rasaastaa kala ambisay. Dhibban iyo hooyadeed waxaa u dumay habeen gudcur ah nolosheedii dhamaydna waxay isu badeshay mid ciriiri ah maxaa yeelay reerka ay ku tirsanaayeen waa kuwii ay ku kala ambadeen colaadihii qabiiliga ahaa ee dagaalkii ina Siyaad Barre, wuxuu istaagay xilli ay nolasha ku duugmi gaareen baahi aawgeed waxayse shaqo yaanyo gedid ah ka bilaabeen suuqa Arjantiin taas oo noloshooda kusoo yara kabantay walow ay dhakafaar ku aheyd Dhibban in iyada oo wax baratay ay yaanyooleey noqoyo dani waa seetee calooshaa ku qabatey!!. Dhanka kale Maxamed Deeq iyo reerkiisu waxay ku degeen magaalada Mombasa halkaas oo ay kula hakatay dooni kasoo qaaday Deg. Kismaayo reerka, marka Maxamed deeq laga reebo maahine, inta kale way faraxsanaayeen walow ay fara ka naxyadii dagaaladii ku dambeeyeen Deeqse murugo ayuu la aamusnaa, boggaa holmanayey; qof walba wuxuu moodaa Dhibban, wuu caatoobay, sida ruux waalan ayuu isla hadlaa, ceeb kale ma uusan laheyn caashaqaa cidleeyey, cudurkii Deeq cidda oo dhan ayuu saameeyey, maykarafoono ayaa la qaatey, ogeysiisyo ayaa la baafiyey, BBC ayaa waraaqo loogu diray, nolol iyo geeri Dhibban meel ay jaan iyo cirib dhigtay waa la waayey uunkoo dhan marbay booskoodii baneeyaane Dhibban iyo hooyadeed dhimashaa lagu tiriyey Deeq iyo reerkiisii iyadoo ilmadu ka gobo’ leedahay ayey u hayaameen dhankaa iyo Kanada oo Viiso iyo tikidho looga soo diray, inkastoo dal qabow, nabdoon uu Deeq guntimaha dhigay hadana raaxadaas uma dhadhameyn, wuxaa ku riyoon jiray iyada uu dahab la moodii uu nolosha kula kulmay ay ku hadaaqayso “Aboowe Deeq subax wanaagsan†markaa buu hurdada ka boodaa, oo ilmeeyaa, balse go’aan ayuu ka gaaray inuu inta noloshiisa ka dhiman uu Dhibban la sugo hadaan la dhihin anigaa iilka ku hubsaday, xataa haddii ay taas dhacdo noloshu macaan uma yeelan doonto, hadduu guursadan wuxuu noqon doonaa riix aan dhimana, nooleyna, oo maqane jooge ah, Allow u sahal Dhibban, ayaa loogau Alle beryi jiray, Dhibban iyadu jacaylkaa waxaa udheeraa duruuf layaab lah oo dhinac walba uga habsatey nolashaa dar xumada leh ayey iska dhex dabaalanaayeen iyada iyo hooyadeed ilmaa laga soo gaaro November 1991-kii oo mar labaad uu Muqdisho ka qarxay dagaal ahli ah oo dad iyo duunyo ku hoobteen hanti malaayiin ahna ay ku galbatey, Dhibban iyo hooyadeedse ma ayan qaxin howshoodii yaanyo gedida ahayd ayayna halkoodii ka sii wateen, iyada oo madfaca habowga iyo Rasaastuba ay dadka iyo duunyadaba ka kaxeeyeen dunida dunida aysan tiro lahayn, hadana Dhibban waxaa soo weeraray moor-yaan dagaal ku qooq ah oo markay quruxdeeda ku daraan dareen u soo haasaawa tegay walow ay gaashaanka u daruurtay, hadana iyagaa beledka xukumayee, waa tii ay habeen saq dhexe soo weerareen, hooyadeedna dileen iyadiina halbowlaha bal balka bidix xabbad ka cuskiyeen, iyada oo naf aan dhicin ku jirto, waa iyagii uga habaq beelay af ku damiinlayaashoodii. Waa moor-yaan iyo xaalkeedee wixii dhex maray Dhibban iyo moor-yaantaa waxaan idin kugu soo faahfaahiyay qeybtii Koowaad ee qisadan, badbaadadii dhaawaceeda waa tuu qalliinka ku guuleystay Dr. Jimcaale mahadi haka gaadhee. Walow Dhibban aniga qudheyda aan gacanta ku hayay intii dhaawaceedu bogsaday, hadana markii ay biskootay waxaan qabatin siin waayay ku noolaanshihii Muqdisho, marba hadey gacallo hooyo macaantii dhashay dunida ku weyday waxay iga codsatay inaan gacan ku siiyo sidey uun uga haajiri lahayd Muqdisho oo ay ku qaban lahayd dhankaa iyo xeryaha qaxootiga ee Mombasa, codsigeedii waan u tixgeliyay maalin aan sinna maskaxdeyda uga go’in, cimilada Muqdishana ay yara qaboobeyd, walow ay saxan saxo jirtay aniga iyo Dhibban oo Degmada Marka Caddey bas u sii saarneyn weynu dhididnay, walow aan isla maalintaa tegnay hadana galabtaa Dhibban waxay ka mid noqotay dad fara ku tiris ah oo ka dhinnaa dooni u shiraacsaneyd magaalada Mombasa, Dhibban iyadoo dhinac taagan huurigii yaraa ee dadka lagu daad gureynayay dib ii soo gocotay anigoo sidaa uga fogeyn, xaqiiqdii indhaheedu ilmada waa ka gobo’ lahaayeen, ma jecleyn inay ka hayaanto halkii ay xudunteedu ku aasneyd balse waayahaa ka garba duubay, in tallaabadeedu isku xoortay ayay oohin af labadii yeedhay, inta aan gebi ahaan jirkeyga oo idil saaqmay ayay qudheydu ilmada iga gobo’leyday, cod dirqi uga soo baxayay ayay ku cataabeysay; ilaahey ha kuu jiseeyo abaalkii aad ii gashay, hadey wiilasha Soomaaliyeed badankoodu ay sida Soomaalinimadu kuu damqineyso u damqin laheyd, dhib Soomaalida kuma ay waarteen xaqna umey hoyateen, qaadirkaase sidaan u qadaray, inta aysan hadalkii dhameyn ayaa laga codsaday bal inay beer jileeca iska dhaafto oo ay huuriga horay u soo fuusho, waa ragga badda iyo xaalkoodee, balbalka ayay ka qabteen iyaga oo ku leh “Jirka ma kaaga tagnaa gacalkaaga mise waa kori huuriga?†inta qosol gariir wada qosolnay, ayaan baashi wallaalnimo isweydaarsanay, Dhibbanna waxay horay u fuushay huuriga. Dhibban indhaheygu kama aysan libqan ilaa ay kaga taxaabto doonidii weyneyd, cakuye waa xaal adduune doonida iyada oo u moodo xaajiyo qamsiin rar dhaaftay ayay bad weynta u sii tukubtay, aniga oo sidi sanam u taagan markii ay dhaayaheygu xaqiiqsadeen mowjadihii cartamayay ee dharbaaxooyinka aan naxariista lahayn doonidii oo uu rarku xad dhaafka ku ahaa oo bad weynta qun yar qun yar ugu sii siqeysay ku salaamayay, ayaan iska xaqiiqsaday in Dhibban waayuhu wax bareen, kolleyba hadeyba ogolaatay inay wehel u noqoto mowjadihii cartamayay ee cirka isku shareerayay maciinna mooday xeryaha qaxootiga Mombasa Kenya ee malaayiinta Soomaalida ah ku macluulayaan, “Allahayow uunkan adaa makanin kara arlada ee arladeena hooyo nabad nooga dhig†inta aan ku duceysatay ayaan ka soo dhaqaaqay xeebta Marka Cadey oo ay doonidii ka libidhay, dhafoorada aniga oo heysta ayaan xaqiiqsaday in malaayiin gabdhaha Soomaaliyeed ah ay jilbaha dhulka u dhigtay dhibaatada Dhibban ku dhacday oo kale ama mid ka badan ay heysato. Ragga Soomaaliyeed ee hubeysan ee qabqablayaasha iyo dableyda horseedka ka yihiin waxaan ka codsanayaa inay hubka dhigaan nabaddana ay gacmo furan ku soo dhoweeyaan, walaalahood iyaga la ajligood u qaxayana ay dhibka ka dhaafaan, ogaadase Dhibban wey idinka dhooftay, dhibkaase weligiin meydin deynina, Dhibbanse wixii ku dhacay taariikhdu way qori oo dhibic dhibic leydinkaga magi…dhafoor weynayaalow waa inoo dheriga nabadda… Markaan Dhibban u soo noqono waxay xeebaha Soomaaliya ka haajirtay 27/7/1992-kii goor ay gacmaha saacaddu ku jimeysneyd 10-kii galabnimo, goorahaa ayaase aragtideydii iigu dambeysay Dhibban, adduunyadu waa garaangir wareegeysa,; noloshuna ay hadba dhinac soo xejiso, ogowse dunidu waa maalin iyo habeen xukuman oo soo noq noqda, halka ay isku sagootiyaan saacado 12 ah, biluhuna 30 ayay ku macasalaameeyaan, sanaduhuse tirada sabankey isku buuxiyaane, akhristow dharaaruhu way is gureen, darbiyada dunidana waxaa isku soo sharaxay sanad cusub oo hagar daamadiisa iyo faa’iidadiisa wata, waa sanad aniga iyo Dhibban qadka isgaarsiinta ku wada kulanay, afar sano kadib xilligii Dhibban oo ihaaneysan, duruuf heyso, dhan walba ka ciilan ay isaga hayaantay gobolkii dhulka ahaa oo ay dunida ugu jecleyd waa abaarihii 1/1/96-kii 8-dii fiidnimo, Dhibban waxay ii dul martay noloshii ay kala kulantay Mombasa, dhib iyo rafaad wixii ay ka mudatay, waxayse ii sheegtay markii laba sano halkaa isaga daalaa dhaceysay, ayay daruur biyeysan soo dul istaagtay maalin anigoo si u dhibaateysan oo aanu kulanay jacaylkeygii aan dunida ku kala ambanay, ee Deeq, Caydiidow ileyn ruux rafaad iyo raaxo mid uun ku waara ma jiro, daqiiqo kahor anigoo calalo lahaa bushna kaga noolaa Mombasa ayaan jiiftay Hotel ka mid ah kuwa ugu qaalisan Mombasa ee Ocean Hotel. Maalmo yar kadib anagoo lamaane is qaba ah ah ayaan ka dhoofnay Garoonka Diyaaradaha ee Nairobi, iyadoo taariikhda wakhtiyada farxadeyda baalka dhiganeysay waa 16/2/94-kii waxaan nolosha marwanimo ka bilaabay duleedka bari ee Otawa Canada, aniga oo guntimaha dhigay nolol barwaaqo iyo raaxo loogu daw galay, Dhibbantii dhibaneyd waa taa baraaraheeda ka sheekeyneysa balse daqiiqado kahor ayay jebisay maah maahdii ahayd RAGGA HOOGOODEY KA SHEEKEEYAAN HAWEENKANA BARAARAHOODA, kadib markii qadka Taleefanka igula soo xiriirtay oo aan u sheegay inaan sheekadii abyay ayay igu tiri anigoo ka dareemaya inay oyneyso…Caydiidow ma xasuusataa, Taariikhahan 15/10/72-kii waa maalin hooyadey leygu inkiray ahna aan ifka imid 18/10/72-kii waa maalin hooyadey igu xoortay wadada Kismaayo aniga oo dambiil calal ah ku jira, Deeq aabihiina uu maalinkaa I soo helay, 1986-kii horaanteedii waa xilli aan gabarnimeydii waayi gaaray, Suubantii I soo korsatayna dunida laga hayaamiyay, 15/6/90-kii waa maalintii ugu horeysay oon hooyadey indhaha saaray, 25/12/90-kii waa maalin ay reer Muqdisho kala lumeen, aniga iyo Deeqna dunida ku kala ambannay, November 1991-kii waa taariikh madow gabarnimadeydiina igu dhaaftay, gacalo hooyo macaantii I dhashayna dunida laga haajiriyay, 27/12/92-kii waa xilli aan xeebaha Soomaaliya aan ka haajiray, 16/2/94 Deeqii aan jeclaa ayaan dib u kulanay, daqiiqadaan aan kula hadlayo oo ay taariikhdu tahay 14/2/98-ka, saacaduna tahay 8-dii fiidnimo, waxaan ahay hooyo leh laba caruur ah, Xarbi iyo Xorriyo, lana nool duqeeda ay jeceshahay ee Deeq. Dhibban iyadoo oohin la higleyneysa ayay igu sagootisay sanad wacan iyadoo ii sheegtay inay maxkamad la kori doonto dadkii waxyeeleeyay nolosheeda, markii la helo Xukuumad caadil ah. [DHAMMAAD] Waxaa Qoray: C/llaahi Maxamed Nuur (Caydiid) caydiid69@hotmail.com jabra@somaliweyn.com Somaliweyn Media Center Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites
Katrina Posted February 15, 2006 ^Sxb, I would have to read that in increments adding up to a year. How about a synopsis? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted February 16, 2006 Qoraalkaan editor ayuu u baahanyahay, oo paragraph paragraph in loo kala qaado waaye. Si kale lagu aqriyo ma jirto, in lagu wareero ka ahayn. Dhibane waa kasay, dhiilana maxaa laga wadaa, lest some misread it? Quote Share this post Link to post Share on other sites