Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland oo si kulul u cambaareeyay Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha golaha wakiilada dowladda Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed oo maanta khudbad ka jeediyay furitaanka kal-fadhiga Baarlamanka, ayaa si kulul u cambaareeyay duullaanka Somaliland ku soo qaadday degaanno ka tirsan Puntland, gaar ahaanna degmooyinka Yubbe iyo Damalla-xagarre ee gobolka Sanaag.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in weerarka ay Somaliland ku soo qaadday degmooyinkaasi, ay ku doonaysay in ay ku fashiliso imtixaanka shahaadiga Puntland, oo wakhtigaa ka socday degmooyinka gobolka Sanaag, isagoo muujiyay in aan Puntland u dulqaadan doonin daan-daansiga noocaas ah.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay in wixii dhibaato ka yimaada daan-daansiga Somaliland ka waddo gobollada Sool iyo Sanaag, ay mas’uuliyadeeda qaadi doonto xukuumadda Hargeysa, haddii aysan joojin ficillada lagu wiiqayo nabad-gelyada gobolladaasi.

Mudane Dhoobo ayaa u mahad-celiyay dhammaan saraakiishi, mas’uuliyiintii, iyo ciidamadii ka tirsanaa Somaliland ee ka soo baxay, kadib markii ay qaadan-waayeen nidaamka cunsuriyadda ah ee maamulkaasi ku dhisanyahay.

Hoos ka daawo khudbaddiisa oo dhammaystiran

PUNTLAND POST

The post Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland oo si kulul u cambaareeyay Somaliland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this