Deeq A. Posted June 15, 2019 Muqdisho (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxyo labo ahaa oo goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho. Qaraxa koowaad oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa la sheegay in uu ka dhacay meel ku dhow xarunta Baarlamaanka Soomaaliya. Sidoo kale qaraxa labaad oo isna ka dhashay gaari ayaa ka dhacay Waddada aada Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Khasaare kala duwan ayaa jira, waxaana haatan socda gurmad ay fidinayaan laamaha ammaanka iyo gaadiidka gurmadka deg dega ah ee Amiin Ambalaas. Radioshabelle.com kala soco wixii soo kordha. View the full article Share this post Link to post Share on other sites