Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso:-Wararkii ugu dambeeyay qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) -Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxyo is xig xigay oo maanta siyaabo kala duwan uga dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Sida ay xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah qaraxyada oo labo ahaa ayaa waxaa loo adeegsaday gawaari nuuca raaxada ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Sayidka oo ku dhow xarunta golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga ayaa ka shakiyay gaari nuuca  Prado ah oo xoog ku soo dhaafay, waxaana la sheegay in rasaas ay ku fureen, kadibna uu qarxay.

Lama oga illaa iyo haatan khasaaraha dhabta ee ka dhashay qaraxaasi, waxaana goobta isku geedaamy Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale qaraxa labaad ayaa ka dhacay Koontorool ku yaalla agagaarka Isgoyska KM4, gaar ahaan waddada aada dhanka Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiyo Xuseen Axmed ayaa sheegtay in qaraxan oo loo adeegsaday gaari Noah ah uusan geysan wax khasaare ah, islamarkaana la qabtay darawalkii waday gaarigaasi.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan qaraxyadaasi.

Balse weeraradan ayaa ku soo aadaya, xilli muddooyinkii la soo dhaafay Ciidamada Boolisku ay si aad ah u xoojiyeen ammaanka M/ Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this