Deeq A. Posted June 15, 2019 Muqdisho (SMN) – Kulankii 18-aad oo qeyb ka ah Kalfadhiga shanaad ee golaha shacabka ayaa maanta u baaqday kooram la’aan, kadib markii ay soo xaadiri waayeen inta badan xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo soo galay hoolka xarunta baarlamaanka ayaa u ogolaaday xildhibaanada in ay ka aragti dhiibtaan dilkii ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Xildhibaanada ka qeyb qaatay doodaasi gaarka aheyd ayaa badi ku taliyay in loo saaro dhacdadan guddi gaar ah oo soo baara, sida ay wax u dhaceen. Intaasi kadib guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in guddi isku dhaf ah ay u saari doonaan dilkaasi arxan darrada ah. Ugu dambeyn guddoomiye MMursal ayaa ugu baaqay xildhibaanada golaha shacabka in ay dalka ku soo laabtaan, kana soo qeyb galaan kulamada caadiga ah ee baarlamaanka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites