Sign in to follow this  
Deeq A.

Askar ka tirsan kuwa Kenya oo lagu dilay Xadka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wajeed (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya saaka lagula eegtay xadka dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Qaraxa oo Miino ahaa ayaa waxaa la sheegay in uu haleelay gawaari dagaal oo ay wateen Ciidamadaasi, kaas oo ku basbeelay isla goobta.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhintay illaa 10 Askari oo ka mid ahaa Ciidamada Kenya, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in Ciidamadani ay damacsanaayeen in ay soo furtaan illaa 3 Askari oo nawaaxiga magaalada Wajeer ay ka soo afduubteen Dagaalyahannada Al Shabaab oo saacadihii la soo dhaafay la wareegay gacan ku heynta deegaanka Kontonka oo dhac xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Xaaladda ayaa haatan jkacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemaya qeybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi.

Muddooyinkii la soo dhaafay Al Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ka fuliyaan gudaha dalka Kenya, gaar ahaan deegaanada dhaca xadka Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this