Sign in to follow this  
Deeq A.

Biixi oo boqor Buurmadow ku eedeeyay in uu mudda laba sano ah taleefon ka hagayey dagaalka Ceel-afweyn

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo saaka khudbad ka jeediyay furitaanka imtixaanka shahaadiga ee Somaliland ayaa eedayn culus u jeediyay boqor Cismaan Aw-Maxamuud Buurmadow oo kamid ah madax-dhaqameedka ugu caansan degaannada maamulkaasi.

Madaxweynaha oo ka jawaabayay su’aal laga weydiiyay  shir uu iclaamiyay boqor Buurmadow ayaa sheegay in uusan wax dhib ah shirkaasi u arkin balse wuxuu boqorka iyo taageerayaashiisa ku eedeeyay in ay hurinayaan colaadda u dhexaysa labada beelood ee ka aloosan degaanka Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag.

Mudane Biixi ayaa sheegay in dagaal-beeleedyo  mudda laba sano ka socday degaanka Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag uu taleefon ka hagayey boqor Cismaan Buurmadow isagoo tilmaamay in suldaan iyo boqor aysan shaqadooda ahayn colaad-hurin iyo fidno-abuur sida uu hadalka u dhigay.

“Xan badan baa jirta, Suldaan iyo boqor maaha kii nabadgelyo-darada lagu xanto, kii la yiraahdo isagaa fidnada wada maaha. Dadka uu boqor Buurmadow suldaanka u yahay laba sano iyo badh dagaal bay ku jiraan isna taleefon buu ku wadaa” ayuu yiri Muuse Biixi.

Hadalka madaxweynaha Somaliland ayaa ku soo beegmay xilli maalmihii u dambeeyay ay nawaaxiga degmada Xiingalool ee gobolka Sanaag ku sugnaayeen ciidamo ka soo guuray degaanka Ceel-afweyn oo ka horjeeda Maamulka Muuse Biixi islamarkaana la sheegayo in ay boqor Buurmadow isku reer yihiin.

Saraakiisha hoggaaminaysa ciidamadaasi ayaa sheegay in ay yihiin jabhad cusub oo la dagaallami doonta Somaliland waxaana ay saldhig ciidan weydiisteen xukuumadda Puntland.

Halkaan hoose ka daawo hadalkiisa

PUNTLAND POST

The post Biixi oo boqor Buurmadow ku eedeeyay in uu mudda laba sano ah taleefon ka hagayey dagaalka Ceel-afweyn appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this