Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo 13 Askari oo kamid ah Booliska Kenya ku dishay Gobolka ismaamulka Wajeer

Recommended Posts

Deeq A.   

Wajeer (Caasimadda Online) –Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in sideed ka mid ah Booliskeeda ay geeriyoodeen sidoo kalena dhaawacmeen shan kale markii Gaari ay la socdeen uu miino dul maray.

Qaraxa ayaa saaka ka dhacay degaanka Khorof Harar, oo ka tirsan Gobolka ismaamulka Wajeer.

Askarta dhaawaca ah ayaa la sheegayaa in uu dhaawacooda daranyahay,kuwaas oo loo qaaday Isbitaal.

Inkastoo ay Kenya sheegtay dhimashada 8 ka tirsan Ciidamada Booliska haddana wararka madaxa banaan ayaa sheegayo in dhimashada ay tahay illaa 13  askari.

Dhimashada 13-kaas Askari ee ka tirsanaa Booliska Kenya ayaa kusoo aadeysa iyadoo shalay Al-Shabaab ay sheegteen in deegaanka Konton ee Ismaamulka Wajeer ay kasoo Afduubteen Afar Askari oo Kenyaan ah kadib markii ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Kontonka, waxa ayna sheegeen in haatan gacanta ku hayaan Afartaas Askari.

Dowladda Kenya ayaa xirtay sohdinta ay la wadaagto Soomaaliya iyada oo sheegtay in amaanka dalkeeda ay ka sugeyso.

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe sii xoojisay weerarada ay ku qaadeyso Gudaha Kenya, waxayna horey u sheegeyn inay saldhigyo waaweyn ka sameysteen Gudaha dalkaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this