Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Maareeye oo shaaciyay go’aanka DF ee dadkii lagu dilay Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay dadkii lagu laayay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, saacado kadib markii sagaal ruux lagu dilay koofurta magaalada Gaalkacyo.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay cambaareyneyso ayna ka xun tahay sida ay wax u dhaceen.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay baaritaan dhab ah ku sameyn doonto dadkii ka dambeeyay falka xalay ka dhacay koofurta magaalada Gaalkacyo.

Waxaa uu sheegay in gacanta lagu soo dhigi doono Cidii ka dambeysay falkaasi, islamarkaana maamulka Galmudug uu ugu baaqayo in ay gacanta kusoo dhiggaan dambiliyeyaasha.

Falka lagu dilay dadka rayidka ah ayaa ka dambeeyay kadib markii sarkaal ka tirsan NISA lagu dilay magaalada Gaalkacyo, iyadoo dad ay isku heyb ahaayeen ka caroodeen dilka sarkaalka, kadibna ay dileen dadka shacabka ah.

Masuuliyiin kala duwan ayaa siyaabooyin kala duwan kaga hadlay dhacdada ka dhacday magaalada Gaalkacyo, waxaana dhamaan loogu baaqay Galmudug inay baaritaan dhab ah ku sameyso siday dadka u dhinteen.

Halkaan ka daawo Muuqaalka wararkii oo Muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this