Sign in to follow this  
Deeq A.

“Haddii Berri La Qabanayo Doorashooyinka Xisbiga WADDANI Waa U Diyaar…” Guddoomiye Cirro Oo Ka Hadlay Qabsoomida Doorashooyinka Wakiillada Iyo Deegaanka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa boggiisa Facbook-ga ku faafiyay farriin ku saabsan qabsoomida doorashooyinka iyo mawqifka xisbiga WADDANI.

Guddoomiye-Cirro1.jpg

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa ayaa waxa uu sheegay in mas’uuliyadda qabsoomida doorashooyin ay saaran tahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi dhankooda ay u diyaar u yihiin in wada-hadal lagu dhammeeyo caqabaha hor-taagan doorashooyinka.

Farriinta Guddoomiye Cirro ayaa u dhigan “Xilka qabashada doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland ee Wakiilada iyo Deegaankuba waxa uu saaran yahay Madaxweyne Muuse Biixi.


Haddii berri la qabanayo doorashooyinka Xisbiga WADDANI waa u diyaar.


Waxa aanu diyaar u nahay in qabyooyinka doorashada ee uu dhismaha Komishanka Doorashooyinka Qaranku ugu horeeyo in miiska wada-hadalka lagu dhammeeyo”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this