Sign in to follow this  
Deeq A.

Congress-ka Mareykanka Oo U Codeynaya Sharci Trump Ka Mamnuucaya In Uu Hub Ka Iibiyo Sacuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Afhayeenka aqalka hoose ee Mareykanka Nancy Pelosi ayaa sheegtay in Congress-ka uu xanibaad saari doono hubka Mareykanka uu ka iibinayo dowlada Sacuudiga.

1560544098a5d1c.jpg

Arintaan ayaa timid iyadoo ay soo baxayeen bilihii la soo dhaafay cabsida laga qabo in hubkaan culus loo adeegsan karo dagaalka Isbaheysiga Sacuudiga uu ka wado dalka Yemen tan iyo sanadkii 2015-kii.

Pelosi oo ka hadlaysay shir shalay habeenimadii xalay ka dhacay magaalada New York ayaa sheegtay in Congress-ka sida ugu dhaqsiyaha badan u codeyn doonaan Sharcigaan.

Mareykanka ayaa saaxiib dhow la ah dowlada Sacuudiga oo ka mid ah quwadaha ugu waaweyn ee Carabta.

Waxay intaa ku dartay in ay u dagaalami doonaan sidii ay ku xakameyn lahaayeen Arintaan.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in hubkaan uu kaga iibinayo Sacuudiga ay ujeedadiisa tahay in looga hortago weerar dowlada ay xulufada yihiin kaga yimaada Iiraan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this