Sign in to follow this  
Deeq A.

Isbahaysiga Millateriga Sacuudiga Oo Duqeeyay Magaalada Sanca

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Sanca)-Telefishinka Dowladda Sacuudiga waxa uu sheegay inay Diyaaradaha Isbahaysiga duqeeyeen Nidamaka Gantaalladda Difaaca Cirka ee Maleshiyadda Xuutiyiinta ku leeyihiin magaalada Sanca.

SANCA-YEMEN-750x430.jpg

Afhayeen u hadlay Isbahaysiga ayaa sheegay inay duqeeyeen dhowr bar-tilmaameed oo ay Kooxda Xuutiyiinta leeyihiin, isla markaan ay burburiyeen Awoodaha Milliteri ee ay ku lahaayeen goobaha la duqeeyey.

Afhayeenka waxa uu dadka rayidka ugu baaqeen inay ka fogaadaan Deegaanadda la beegsanayo ee magaalada Sanca.

Duqeyntan ayaa timid, kadib, markii ay Kooxda Xuutiyiinta ay duqeeyeen Garoonka Diyaaradaaha ee magaalladad Abha ee dalka Sacuudiga, kuna dhaawaceen 26 qof.

Ciiddanka Cirka ee dalka Sacuudiga waxay shalay sheegeen inay burburiyeen 5 Diyaaradaha Darooniska ee xuutiyiinta oo la doonayey in lagu qarxiyo bar-tilmaameedyo ku yaalla gudaha Sacuduiga.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this