Sign in to follow this  
Deeq A.

Diyaaradaha Dagaalka Israa’iil Oo Duqeyn Ka Geestay Magaalada Gaza

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Tel Aviva)-Diyaaradaha dagaalka ee Israa,iil ayaa duqeyn ka geestay magaalada Gaza ee dalka Falastiin gaar ahaan goobo ay ku tuhmayaan Ururka Xamaas.

156053254064759.jpg

Duqeynta ayaa timid kadib markii gantaalo xoogan oo laga soo tuuray dhanka magaalada Gaza ay ku dhaceen koonfurta Israa,iil.

Arintaan ayaa lagu xaqiijiyay war saxaafadeed ka soo baxay wasaarada difaaca ee xukuumada Tell Aviv.

Taliska milatariga Yahuuda ayaa sheegay in ay burburiyeen dhowr saldhig oo ay ku sugnaayeen ciidanka Xamaas.

Israel ayaa intaa raacisay in duqeynta ay jawaab u tahay madaafiic ku dhacday magaalada Sderot.

Goobta la duqeeyay ayaa la sheegay in waqtigaas ay ka tageen arday iskuul iyo Macalimiin, wax qasaara ahna aysan geysan sida lagu xaqiijiyay war saxaafadeedka Isra,iil.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this