Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobay Oo Ka Digtay In Shidaal Laga Soo Saaro Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Golaha amaanka ee qaramada midoobay ayaa ka digay shidaal wakhtigaan laga saaro dalka Soomaaliya.

1560578040229e7.jpg

Warbixin ay soo saartay guddiga ka hortagga xayiraada hubka ee dalalka Soomaaliya ee Eritrea ayaa lagu sheegay in shidaal laga qodo dalka ay wiiqi karto dadaalada lagu doonayo dib u soo celinta Nabada.

Gudiga ayaa tusaale u soo qaatay xidhiidhka aan wanaagsaneyn ee u dhaxeeya maamul goboleedyada iyo dowlada Dhexe oo ku kala aragti duwan heshiiska iyo hab loo Maareynayo wax soo saarka Shidaalka.


Mudanayaasha baarlamaanka ayaa 20 bishii May qalinka ku duugay heshiiska wax soorka shidaalka.

Balse shir ka dhacay isla horaantii bishii hore ismaamulka Puntland oo u dhaxeeyay maamul goboleedyada iyo dowlada dhexe oo la xidhiidha arintaan ayaa ku dhamaaday is faham La,aan.

Inkastoo soomaaliya ay ka faa,ideysan karto dhaqaalaha shidaalka ayaa hadane gudiga xayiraada hubka ee dalalka Eritrea iyo soomaaliya waxay qabaan in ay keeni karto xasilooni darro iyo dagaal sokeeye oo ka dhaca Dalka Soomaaliya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this