Deeq A. Posted June 15, 2019 Gaalkacyo (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Nabad Sugida Galmudug xalay loogo geystay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Tahliil Cadceed (Cali Dhiif), sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah. Rag ku hubeysnaa Bistoolado ayaa la sheegay in Marxuumka ay toogteen, xilli uu fadhiyay goob lagu shaaxo oo ku taalla koonfurta magaaladaasi. Dilka kadib waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Galmudug oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi. Dhinaca kale waxaa isla xalay duleedka magaalada Gaalkacyo lagu dilay illaa 9 Qof oo ka mid ahaa dadka deegaanka. Warar hoose ay heshay Warbaahinta ayaa sheegaya in dad ka careysanaa dilka Marxuum Cali Dhiif ay ka dambeeyeen dhacdadaasi. Dadka la laayay ayaa lagu soo warramayaa in laga kaxeystay gudaha magaalada, kadibna lagu toogtay duleedkeeda. Madaxda iyo shacabka ku dhaqan guud ahaan gobolka Mudug ayaa si aad ah uga xumaaday dilalkaasi. Xaaladda ayaa saaka degan, hayeeshee Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Galmudug ayaa lagu arkayaaa waddooyinka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites