Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab oo la wareegay deegaan dhaca xadka Soomaaliya iyo Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wajeer  (SMN) – Dagaalyahanno aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Shabaabul ayaa markale weerar qorshaysan ka fuliyay gudaha dhulka Soomaalida NFD ee ku jira gummeysiga Kenya.

Wararka ka imaanaya magaalada Wajeer ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Kontonka oo hoos yimaad magaaladaasi.

War rasmi ah oo ka soo baxay Xarakada Al Shabaab  ayaa lagu sheegay in Dagaalyahannadoodu ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka islamarkaana ay soo qafaasheen ciidamo katirsan booliska Kenya “Howlgal qorshaysan oo mujaahidiintu ay ka fuliyeen deegaan hoos yimaad magaalada Wajeer ayay ugu suurtagashay in ay la wareegaan gacan ku heynta deegaanka ayna soo qafaashaan ciidamo katirsan Booliska dowladda Saliibiyadda Kenya” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Wararka ayaa intaas ku daraya in xoogaga Al Shabaab ay gacanta kusoo dhigeen laba Mooto iyo agabyo kale oo ay lahaayeen ciidamada Booliska Kenya, weerarkan lagusoo qabtay ciidamada dowladda Kenya ayaa banaanka soo dhigaya awoodda Al Shabaab iyo taakdarida ciidamada gummeysiga Kenya.

Illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin dowladda Kenya oo ku aaddan lawareegidda Al Shabaab ee deegaanka Kontonka iyo ciidamada lagasoo qafaashay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this