Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdkariin Guuleed oo war kasoo saaray dilkii 10 qof ee halka beel kasoo jeeday

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay dilal xalay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayuu ku baaqay in lasoo qabto cadaaladdana la hor keeno dadkii ka dambeeyey dilkii loo geystay dad kasoo jeedo Koonfur Galbeed kadib markii Magaalada lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Nabadsugidda Galmudug oo lagu magacaabo Cali Tahliil Cadceed (Cali Dhiif).

Cabdikariin ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay dilkaas loo geystay dadka kasoo jeedo Koonfur Galbeed ayna qalad tahay in dil ka dhacay Magaalada si aano ah loogu beegsado qoomiyad Soomaaliyeed.

Sidoo kale, wuxuu dadka Koonfur Galbeed uga baaqay inay is dajiyaan oo ay muujiyaan dulqaad.

Ugu dambeyntii Cabdikariin ayaa Alle uga baryey dadka la dilay inuu naxariistiisa  siiyo samir iyo Iimaana uu Alle ka siiyo eheladii ay ka dhinteen.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Cabdikariin soo dhigay bartiisa Facebook

Waxaan canbaareynayaa dilalka foosha xun ee labada waji leh ee loogeystay dad gaaraya ilaa 10 qof ee caawa ka dhacay magaalada Gaalkacyo kuwaaas oo loo geystay dadka aan waxba galabsan, waxaan waxgaradka iyo masuuliinta reer Gaalkacyo iyo Galmudugba u soo jeedinayaa uguna baaqayaa inay dadkii dilkaasi geystay soo qabtaan cadaaladdana hor keenaan, marna sax ma aha in dhib dhacay loo aaneeyo dushana laga saaro gowmiyad iyo dad Soomaaliyeed ee meel daga.

Waxaan dadka kale ee reer Koofur Galbeed u soo jeedin lahaa inay is dajiyaan dulqaadna muujiyaan.

Alaha u naxariisto intii ku dhimatay mashaqadaas, sabir iyo iimaana eheladii iyo qaraabadii ay ka baxeena rabi ha ka siiyo.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

guulleed.png

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this