Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Loolanka Mareykanka iyo UK ee Mukhtaar Roobow

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – 6 bil oo kaamil ah ayaa u buuxsantay, hadii si kale loo dhigo, waxa uu xiran yahay sanad kalabarkiisa. Waxa uu ahaa nin saameen badan oo musharax ah.

Dad badan waxay aaminsan yihiin hadii uu tartanka ka qeyb gali lahaa xiligaan waxa uu noqon lahaa mid kamid ah Madaxweynayaasha Soomaaliya ee dowlad gobaleedyada. Dadka degaanadaas u dhashay waxay qabaan in ay guul gaari lahaayeen hadii uu hogaamin lahaa.

Qofka aan ka hadleyno waa Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, oo Lix bil ka hor 12-kii December laga qabtay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Bay.

Abuu Mansuur ilaa hadda ma helin cadaalad waxa uuna ku jira xabsi ay maamusho hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya. Soo qabashadiisa waxaa ku dhintay dad badan oo shacab ah waxaana sidoo kale ka dhashay qalalaase xoog leh.

Lix bil kadib Caasimada Online ayaa maalmahaan wada baahinta xogo ku saabsan xaaladda Abuu Mansuur iyo xoogagii uu ka tagay ee ku sugan Abal.

Baaritaan dheer oo ay sameysay Caasimada Online ayaa waxay ku ogaatay in Dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska ay dadaal xoog leh ugu jiraan sidii ay wadashaqeyn ula yeelan lahaayeen Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.

Mareykanka ayaa dhaqaalo xoog leh ku bixiya Ciidamada Abuu Mansuur iyo qoyskiisa waxa uuna ka damacsan yahay in uu la shaqeeyo Howlgalka Mareykanka ee howlan la dagaalanka Argigixisada maadama Sheekh Mukhtaar xog badan ka haayo arrimaha argagixisada caalamka.

Sidoo kale dowladda Ingiriiska ayaa wada dadaalo ay ku raadineyso wadashaqeynta Abuu Mansuur oo ay u aragto fursad muhiim ah wadashaqeyntiisa.

Safiirka Dowladda Ingiriiska ayaa hore u qaabilay Sheekh Mukhtaar waxayna waxyaabihii ay kala hadleen kamid ahaa wadashaqeyn dhaxmarta Roobow iyo UK

Ninka sidaas ay u raadinayaan dowladaha reer galbeedka Dowladda Soomaaliya kama faa’ideysan waxayna ku riday xabsi guri halkii ay kula dagaalami laheyd argagixisada oo ah dhibka ugu weyn ee Soomaaliya maanta heesta.

Roobow waa ninkii aas aasay Al-Shabaab waxa uuna markii uu dowladda ku soo biiray yiri “waxaan aqaanaa sida loo bur burin karo Al-Shabaab, waxaana fikirkooda badali karaa xubnaha u dagaalama” fursadaas dahabka ah dowladda Soomaaliya waa ka indha iyo dhaga la’dahay balse dusheeda ayaa waxaa ku dagaalamaya wadamo ka awood badan oo baahina u qaba Roobow.

Labadaan dowladood ayaa sidoo kale mid kasta oo ka mid ah waxay wadaa dadaal u gaar ah oo ay ku raadineyso sii deynta Abuu Mansuur si ay ugu manad sheegato markii uu xoriyad helo kadibna ay danaheeda ku fushato.

Dad badan oo Soomaaliyeed iyo ajaaniib badan ayaa qaba in Roobow uu kamid ah Shaqsiyaad si fudud u dhameyn kara qatarta Al-Shabaab iyo Daacish oo dhibaato ba’an ku haaya Soomaaliya iyo qaar ka mid ah wadamada gobalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this