Sign in to follow this  
Deeq A.

Faysal Cali Waraabe oo ku hanjabay inay gacanta ku dhigi doonaan Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Faysal Cali Waraabe oo ah guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka UCID ee Soomaalinad oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay inaysan gacantooda ka bixi doonin deegaanada ka tirsan gobolka Sanaag.

Faysal cali Waraabe ayaa waxaa uu sheegay in iyagoo awood ciidan adeegsanaya ay  xoog ku qabsan doonaan ilaa duleedka magaalada Garoowe ee Gobalka Nugaal.

Guddoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in ciidamo ka tirsan puntland ay mararka qaar madaafiic ay ku ridaan Ciidanka Soomaaliland ee ku sugan deegaano ka tirsan Gobalada Sool iyo Sanaag.

Sidoo kale Guddoomiye Faysal ayaa waxaa uu xusay in Soomaaliland ay mar walbo diyaar u tahay in nabad lagu noolaado.

Ciidamo kala Taabacsan Soomalailand iyo Puntland ayaa xiligan waxaa ay isku horfadhiyaan deegaano hor leh oo ka tirsan Gobalada Sool iyo Sanaag, iyadoona mararka qaar ay madaafiic isweydaarsada, taasina wxaa ay cabsi badan gelisay shacabka ku nool gobalada Sanaag iyo Sool.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this