Deeq A. Posted June 14, 2019 Qarax xoogan ayaa lala eegtay Bar-kontorool oo ciidamada ammaanka ay lacagta Canshuurta uga qaadaan Gaadiidka ka baxa iyo kuwa gala Magaalada Buurhakaba ee gobolka Bay. Qaraxan oo ahaa ka Miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa ka geystay khasaare, waxaan sl dhab ah loo ogeyn inta uu la egyahay khasaaraha soo gaaray ciidanka la bartilmaameedsaday. Sidoo kale ciidamada Dowladda ayaa dorbaba ka bilaalabay baaritaanada ku aadan Qaraxan, waxayna soo xireen tiro dad ah kuwaas oo ciidamada ammaanka ay qabteen inta uu socday baartitaankii ay sameeyeen qaraxa ka dib. Dhanka kale kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa bartamaha Magaalada Buurhakaba ku toogtay nin magaciisa lagu soo koobay Mukhraar Subagle oo ka tirssnaa Ergadii xildhibaanada ku soo dooratay Magaalada Baydhabo. Masuuliyiinta laamaha ammaanka Koonfur Galbeed ilaa hadda war kama aanay soo saarin falalkan amniga ka baxsan ee ka dhacay Magaalada Buurhakaba, balse waxaa socda baaritaano amni xaqiijin ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites