Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo Ciidamo geysay Sanaag iyo Xiisad ka taagan Gobolkaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (SMN) –Ciidamo ka Tirsan Kuwa Maamulka Puntland ayaa lagu daad gureyay degmadda baran iyo Deegaano kale oo katirsan Gobolka Sanaag, Xili ay Gobolkaasi ka taagan tahay Xiisad u dhaxeysa Maamul Goboleedyadda Puntland iyo Somaliland.

Cidamadan ayaa Durba shaqooyin baaris ah ka bilaabay gobolkaasi, iyagoo dadka deegaanka kala kaa shanaya arimaha amaanka.

Askar  Ka tirsan Somaliland iyo Saraakiil Ciidan ayaa dhawaan kazoo goostay Maamulkaasi, waxaana soo dhaweeyay Dowlad Goboleedka Puntland.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawaan Xaalad deg deg ah kusoo rogay Gobolka Sanaag, iyadoo deegaano ka tirsan gobolkaasina ay Soomalailand usoo daabushay Ciidamo Militari ah.

Madaxweyne Ku xigeenka Maamulka Puntland Axmed karaash oo ka hadlayey Xaalada ay Somaliland kusoo rogtay Sanaag ayaa sheegay in Puntland ay wax ka qaban doonto dhamaan Baahiyaha ka jira Deegaankasi, wuxuuna Hey’adaha Deeq Bixiyaasha ah ugu baaqay in ay dhagaha ka fureystaan amarka Somaliland oo Gobolkaasu uu yahay mid Xasiloon.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this