Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Rashiid oo xabsi la dhigay kaddib u gacan qaadistii Faadumo Geedi

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada amaanka ee dowladda Kenya ayaa la sheegay inay xabsiga dhigeen xildhibaan Rashiid Amiin Qaasim oo laga soo doorto degmada Wajeer, kadib markii loo qabsaday eed la xiriirta inuu jirdilay Xildhibaan Faadumo Geedi, islamarkaana uu dhaawac gaarsiiyay.

Xildhibaan Rashiid Amiin, ayaa loo heystaa inuu aqalka baarlamaanka hortiisa ku jirdilay xildhibaan Faadumo Geedi, islamarkaana uu aflagaado u geystay, waxaana lagu hayaa xabsi ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Sawir laga qaaday xildhibaan Faadumo Geedi oo dhaawac uu ka muuqday ayaa qabsaday baraha Bulshada, waxaana xildhibaanka loo heystaa gacan qaadka xildhibaanada oo isku deegaan laga soo doorto.

Faadumo Geeddi ayaa haweenka degmada Wajeer ku matasha baarlamaanka dalka Kenya.

Xildhibaan Rashiid ayaa la qabtay lana xiray kaddib muddo laba saac ah oo su’aalo laga weydiinayay falka gacan qaadka ah ee uu u geystay xildhibaanad Faaduma Geeddi kaas oo kadhacay goob gaadiidka la dhigto oo kamid ah dhismaha Baarlamaanka Kenya.

Xildhibaanka ayaa ka carooday sababta Faadumo Geeddi oo kamid ah guddiga maaliyadda ay miisaaniyad ugu dari weysay Bariga Wajeer oo uu matalo, ayaa u gacan qaaday kadib markii ay muddo wada murmayeen.

Faadumo ayaa u sheegtay Wargeyska The Star in Xildhibaanka ay si wanaagsan isku salaameen markii hore, markii uu su’aasha la xiriirta dhaqaalaha degaankiisa weydiiyayna ugu jawaabtay, “adiga oo aan marti kuu ahayn meesha ma aadan joogin, dadkaagiina isuma aadan keenin si ay u soo bandhigaan baahidooda”.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this