Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Heshiisyo ay wada gaareen Somalia iyo Qatar.

Recommended Posts

Deeq A.   
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali  Khayre ayaa guddoomiyay shirka golaha wasiirrada.
Shirka ayaa looga hadlay u diyaar garowga iyo qaban-qaabada maalamha xorriyadda dalka iyo midnimada, waxaana warbixin laga dhagaysay guddigii dhawaan uu Ra’iisul Wasaare Khayre u magacaabay  ka shaqaynta munaasabadaha muhiimka u ah ummadda Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa sidoo kale waxaa warbixin looga dhagaystay wasaaradda amniga gudaha oo soo bandhigtay horumarrada laga gaary sugidda amniga mawaadiniinta Soomaaliyeed iyo qorshaha lagu horumarinayo.
Golaha ayaa meel mariyay Heshiisyada dhiirri gelinta  iyo ilaalinta maal-gashi  iyo dhaqaalaha iyo farsamada ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar oo ay golaha usoo gudbisay wasaaradda qorshaynta, maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this