Sign in to follow this  
Deeq A.

“SOMALILAND waxa looga baahan-yahay inay ka hor tagto dabinada DF Somalia”

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargaysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Saleebaan Garas Seed oo kamid ah xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland ayaa dhaliilo culus u soo jeediyey Dowlada Farmaajo, isagoona ugu baaqay inay fara-gelinta ka deyso Somaliland.

Xildhibaan Saleebaan Seed ayaa sidoo kale xukuumada Farmaajo ku eedeyay inay dabino u maleegayso Somaliland, oo loo baahan yahay inay ka hor tagto Xukuumada Muuse Biixi.

Xildhibaan Seed oo maanta la hadlayey warbaahinta ayaa quus galiyay midnimada ay baadi-goobeyso dowladda Farmaajo, wuxuuna yiri

“Inagoo madax banaan oo waliba xoriyadeena ka qaadanay Ingiriiska, ayeynu Somaliya la midawnay, inagoo markaas raadinayna shantii Somalida, midawgaas aynu la midawnay dheef kamaynu helin ee midho dhalkiisi wuxuu noqday cadaadis, dil iyo in horumarka la inagala dagalaamo, halgan dheer kadibna dib ayeynu ula soo noqonay xoriyadeenii”.

“Mar haddii aynu Somaliya kala soconay inagoo og sidii dadkeena loo galay, maaha inay ina daba socdaan, oo midnimo dambe raadiyaan ama ay ina sheegtaan, Somaliya oo dib ula midawnaan waa habeenkii xalay ahaa ee tagay, midnimadii hore ayeynu ka qoomamaynaa, ee Maamulka Xamar inay midnimo dambe raadiyaan, fikrad khaldana u sheegaan caalamka waa u damiir xumo, ee Xukuumadda Somaliland waxaa looga baahan yahay inay ka hor tagto dabinada ay Somaliya inoo maleegayso iyo beenta ay Caalamka u sheegayso”.

Wuxuuna intaasi kusii daray “Xukuumadda Somaliland waxaa looga baahan yahay inay aad uga taxadirto khatar kasta oo inagaga imanaya Somaliya haddii ay noqoto dalka gudihiisa iyo dibadiisaba, Xukuumadda Somaliland waxaa looga baahan yahay in qadiyada Somaliland meel kasta ka rido, si aynu u helno aqoonsi caalamiya”.

“Shacabka Somaliland waa Shacab muwaadiniin ah, oo dalkooda iyo dadkoodaba ilaashanaya, waxaan se leeyahay aad uga feejignaada, oo nabadiina iyo qarankiina ilaashada, oo Xukuumaddiina garab istaaga, oo Ciidankiina garab istaaga, nimcadiina waa taas inoo da’day, ee Alle inaga dulqaaday Abaartii, ee shugriga Alle-na aynu badino”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this